Haweeenay Falastiiniyad ah Oo U Dhimatay Dabkii Ka Soo Gaadhay Yuhuud Xagjir Ah

 

Falastiin(SLpost)-Haweeney Falastiin u dhalatay ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray dab bishii July ay sidoo kale u dhinteen Seygeeda iyo wiilkeeda.

Riham Dawabsha waxaa dabka uu ka gaaray dhammaan jirkeeda, markii gurigeeda oo ku yaalla Daanta galbeed ay gubeen xagjiriin Yahuud ah.

Dadka weerarka ka dambeeyay waxa ay ka tirsan yihiin Yahuudda dhulka la haysto la dejiyay.

Wiilkeeda oo 18 bilood jir ahaa dabkaasi ayuu ku dhintay, waxaa sidoo kale isbuuc kaddib dhintay ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Sacad.Wiil kale oo afar sano jir ah ayaa weli laga daaweynaayaa dhaawicii dabkaasi ka soo gaaray.

Weerarkaasi waxaa cambaareeyay beesha caalamka oo dhan, sidoo kale qaar ka mid ah yahuudda ayaa dibad baxyo arrintaasi ka dhan ah dhigay.