Hawada iyo Somaliland – W/Q: Eng Abdikarim Daaud

eng a daudAsalamu Alaykum Dhaman Akhristayaasha Meel Kasta oo Ay Joogaan.

Waxaan Halkan Kaga Hadli Doonaa Ama ku Qaadi Dhigi Doonaa Hawada Somaliland, Taas oo aan Ku Lafo Guri Doono Hawada Sare ee Somaliland. Gegeda Diyaaradaha Somaliland iyo Diyaaradaha Laftooda Maadama oo aan ahay Khabiir Ku Takhasusay Cilmiga Diyaaradaha Farsamadooda Iyo Maamulka Hawada.

Waxa Dhageaheena Ku Batey Hawada Somaliland Iyo Somaliya ? Waamaxay Jawaabtu

Diyaaraduhu Waa Mashiin Aama Aalad Duuli Karta Iyadoo Ay Hawadu ( Air ) Taageeryso, Hadii aynu Milicsano Taariikh Ahaan Diyaaradaha, Muddo Lagu Qiyaaso Lagu Qiyaaso Laba Qarni Ka Hor Dadku Cirka u Gaji Jireen Balloon Ama Caag Naqas Laga Buuxiyey Kuwaas oo Duuli Jiray Dhinaca Hawada Ama Dabayshu u Socoto , Dadaal Badan Kadib Dadku Waxay Barteen Curiyaha Haydarojin (Hydrogen) Kaas oo Keenay In La Sameeyo Hydarogen- Balloon Kaas oo Hawada Caadi ah ( Air ) Ka Fudud Taas oo Sahashay Inay Duusho

Hadii aynu Kusoo Dhawaano Diyaaradii ugu Horeysay Ee ku Culus Hawada Oo Kula Qalabysay Hawada u Duuliyeen Laba Nin oo Walaalo ah Laguna Kala Magacaabi Jirey Orville iyo Wilbur Wright Markey Taariikhdu Ahayd 1903 Duulimaadkii Hore Waxa Duuliyey Orville Wright Oo Joog Dhan 120 Feet Wakhti Dhan 12 Soconds Wadey Halka Wilbur Oo ku Xigey uu Ku Kordhiyey Inay DUusho Joog Dhan 852 Feet Wakhti Dhan 59 Seconds ama Ilbidhkhsi

Haddii aynu ku soo dhawaano,diyaaradii ugu horaysay ee ka culus hawada(air) oo kula qalabaysay hawada uduuliyay laba nin oo walaalo ah oo Orville iyo Wilbur Wright brothers ,markay taariikhdu ahayd 1903. Duulimaadkii hore waxa duulay Orville Wright oo jood dhan 120feet wakhti dhan 12 seconds.

Inta ka dib diyaaraduhu waxay soo mare marxalado kala duwan.

Diyaaraduhu Waxay u Baahan Yihiin Meel ay Kusoo Dagaan ama Dhulka Ka Mid ah Airport Iyo Hawo ay Ku Duulaan , Waxaa Loo Qeybiyaa Diyaaradaha Kuwa Qumaatiga u Kaca ( Helicopter )Iyo Kuwo U Baahan Garoon ( Airport ).

Sidee Somaliland U Maamuli Kartaa Hawadeeda Sare ?

Xalka Hawada Sare ee Somaliland iyo Somaliya Muxuu Noqon Karaa ?

Maxaa Lagu Kordhin Kara Nidaamka Madaarada Somaliland ?

Maqaalkan Uu Sii Socon Doonaa Insha Allah Qeybaha Dambe ayaa Su’aalaha Kaga Jawaabi Doonaa

 

 

Guul Iyo Gobanimo Somaliland

Eng Abdikarim Daaud Ibraahim

Hargeisa Somaliland

002524244532