Hargeysi Wayharaadantahay, Baqdaadna Way Laydh La’dahay, Bayruudna Kuddaafadii Ayaa Wadooyinka Xidhay

Dalka Ciraac wsaxa mudaaharaadyo isugu soo baxay magaalada Bagdaad boqolaal kun oo qof oo ka mudaaharaadaaya laydhkii oo ka wada go’ay guryahoodii , iyadaoo sanadkan kulayl xumi ka dhacay dalka Ciraaq , waxaana sababay in ay shacabku laydh beelaan musuq-maasuqii oo xad dhaafay oo hantidii loogu talo galay in laydhka magaalooyinka lagu daryeelo , ay mas’uuliyiintii qaabilsanayd ay lunsadeen .

Arintaasu waxay sababtay in dalka Ciraaq magaalooyinkii oo dhan mudaaharaadyo ka dhacaan , waxaanay xukuumaddii dalku ku kacday.

in ay mas’uuliyiintii ku lug yeelatay musuq-maasuqaa iyo hanti lunsashadaa in xilalkiilaga qaaday oo maxkamado loo diray in dadkaa la soo taago , arintan mudaaharaadyaduna waxay sababeen in xukuumaddu la xisaabtanto ciddii ka mas’uul ahayd arimahan musuq-maasuqa .

Dalka Lubnaan -na waxa ka dhacay mudaaharaadyo ay sabab u ahayd in magaalada caasimadda ee Bayruut qashinkii iyo kuddaafaddii laga guri waayay todobaadyo , arintaa oo sababtay in dadweynihii Bayruut ku noolaa ay issu soo baxaan oo ay xukuumadda ku mudaaharaayaan oo ay codsadaan in kudaafadda magaalada laga guro .

Arintanna waxa keenay markii ay shirkadihii qaabilsanaa ururinta kuddaafadaha ay shaqadoodii qabsan waayeen musuq-maasuq awgeed oo ay mas’uuliyiintii qaabilsanayd ay cuneen lacagtii shirkadahan la siin lahaa , bulshadiina way qaadan kari wayday arintan , iyaga oo u dulqaatay xukuumadda dalka ka talisa oo laba jeer xilka muddo kordhin ku smaysatay oo uu baarlmaanka dalkuna u ansixiyay muddo kordhin aah sharci ahayn .

Magaalada Hargeysana waxa ka jira harraad iyo surmi aan qiyaas lahayn , laakiin bulshadii ay dhibtanu haysatay oo aan wixii ay xaqa u lahaayeen samaynaynin , xukuumaddana ku mudaaharaadaynin .

Welina kamaynu maqlin xukuumadda Axmed Siilaanyo in ay wax ka qaban doonto dhibaatada haysata caasimadda Hargeysa , welina baadhitaan kumay samaynin waxa sababay iyo sidii xal loogu heli lahaa .

Weligeed-na xukuumadda Axmed Siilaanyo may xisaabin mas’uul qudha oo ka mid ah xukuumaddiisa oo hanti qaran lunsaday .

Wasiirka biyahana weli lama waydiin su’aal qudha oo ku saabsan waxa surmiga dadka caasimadda ku nool ugu jiraqan  ?

Hadaba ilaa iyo goorma ayay bulshada ku nool caasimadda Hargeysa ay ku jiri doonaan harraad iyo surmi ?

Goormayse bulshada reer Hargeysa waydiisan doontaa xukuumadda waxa ay xaqa ugu leeyihiin .

Goormayse xukuumadda Axmed Siilaanyo joojin doonaan musuq-maasuqa iyo hanti lunsiga ay dalka iyo dadka ku hayaan .?

Cali Maxamed Biixi

caliwwelli@hotmail.co.uk