Hargeysa: Xukuumadda oo mar kaliya Xabsiga ku Gurtay Wariyeyaashii ugu tirada badnaa abid

 Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost)- Waxaa Goor dhoweyd xabsiga lagu guray weriyaashi u badnaa abid ee la xidho hal maalin iyo isku wakhti, weriyaashan ayaa bannaanbax selmi ah ka hor dhigay Madaxtooyada horteeda waxaanay bannaanbaxa weriyashani ku saabsan xidhitaanka televisionka HCTV ee xalay ay ciidanka Boolisku albaabada u laabeen gebi ahaanba xafiisyadii iyo xarumihiisi baahinta ee Hargaysa, iyo sido kale dhaleecayntii qaawanayd ee madaxweynuhu khudbadiisa ku soo darsaday shalay kulana dul kufay Televisionka HCTV iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Xadhiga weriyaashan ayaa noqonaysa dhacdadii ugu yaabka badnayd ee abid soo marta warbaahinta xorta ah, iyo cabudhin aad xad lahayn oo xukuumadda madaxweyne siilaanyo ku hayso warbaahinta xorta ah.

Illaa iyo imminka weriyaasha xidhan ee ciidanka Boolisku ka hor qabteen xarunta madaxtooyada ayay ku jiraan saraakiil sarsare, tafatirayaal iyo sawirqaadayaal, waxaana ka mid ah weriyaasha xabsiga lagu Guray

XASAN MAXMED YUSUF Guddoomiyaha Ururka Suxufiyinta Somaliland ee SOLJA

MAXED CABDI SHEEKH (ILIG) Agaasimaha Guud Ee Hctv

MAXED CUMAR CABDI (CIRRO) Tafatiraha Guud Ee JAMHUURIYA

NAJAX AADAN CUNAAYE – Hadhwanaagnews

XAMSE CALI BULBUL Madaxa Wararka ee TV ga HCTV

NIMCO CUMAR MAXMED (NIMCO SAMRIYE) Weriyaasha HCTV

Iyo weriyaal kale oo tiro badan.

Lama garanayo illa iminka waxa lagu xidhay weriyaashaas iyo saraakiishaas warbaahineed ee xabsiga ku jira ,marka laga reebo banaanbax nabadgelyo oo ay ka hor sameeyeen madaxtooyada horteeda.

Tan iyo markii ay xilka la wareegtay xukuumada madaxweyne siilaanyo waxa warbaahinta xorta ah ku batay xadhiga, cabudhinta, tacaddiga iyo caga juglaynta aan xadka lahayn ee loo geysanyo warbaahinta, dhacdadan imminka ay ku kaceen Ciidanka madaxtooyadu ayaa illa imminka fajiciso ku ah bulshada, taaso ay ugu dareen xadhigii TV gii keli ahaa ee somaliland laga lahaa kuna shaqaynayey sida xorta ah.

Illaa imminka waxa xidhan jidka hor mara madaxtooyada, waxaana cakiran agaagarka madaxtooyada, lamana garanayo waxa ay madaxtooyadu cadowtinimada intaas leeg ugula dagaalamayso warbaahinta oo la odhan karo waa tii keli ahayd ee u sahashay in madaxweynaha haatan talada hayaa uu kursigaasi fuulo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net