Hargeysa: Xukuumadda oo bilowday Qorshe lagu diiwaangelinayo Madarasadaha ku yaalla Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday barnaamij lagu diiwaangelinayo Madarashada culuumta Diinta lagu barto ee ku yaala magaalada Hargeysa, waxaana fulinaysa wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi, ayaa maanta xarunta wasaaraddaas ku furay shir ballaadhan oo lagu shaaciyey barnaamijkan lagu tirakoobay madarasadaha, waxaana shirka goob-joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Maayar ku-xigeenka Caasimadda, Culimo-awdiin, Maamulayaasha Madarasadaha ku yaalla magaalada Hargeysa.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN