Hargeysa: Xarunta Sahan oo gaadhay heer Qaran iyo waxbarasho cusub oo lagu kordhiyey

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Hinda Xirsi Gaani, ayaa ku dhawaaqday “runtii waxaanu agaasinka iyo maamulka Sahan heshiis ku nahay qofkii u baahan in wax u qabto in aanu xaruntan keeno, aadbaan ugaga mahad celinayaa maamulka iyo aasaaseyaashaba, tanina waa mid kamida shaqadii aanu qaranka u haynay”ayey tidhi Wasiir Gaani oo ku wareejisay maamulka xaruntan qalab dhamaystiran oo ay ku shaqo tegayaan 13 Arday oo ka baxay dufcadii 10aad ee dugsigan oo bartay farsamada gacanta.

Ardayda ayaa la guddoonsiiyey agab isugu jira Dawaarka Maryaha lagu tollo, Kabo iyo qalab kale oo daruuri u ah shaqada, waxa kale ooo deeqdaasi ka mid ahaa xoollo nool oo adhi ah, waxaana dhamaan agabkan iyo xoollahaba ku caawisay Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada oo ka jawaabaysa balanqaad ay u fidisay xarunta sahan.

Munaasibad loo qabtay wareejinta deeqdan oo ka dhacday xarunta sahan ee galbeedka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirro ka socda xukuumadda, Maamulka xarunta, Aqoonyahan, waxgarad, waalidiinta ardayda dhamaysatay waxbarashada ee qalabka lagu wareejiyey iyo marti-sharaf kale.

Khudbado ay halkaasi ka jeediyeen xubno kamida madaxda dawladda, maamulka dugsigan iyo marti-sharaftu, ayaa waxa ay ubucdoodu ahayd in ay xarunta Sahan buuxisay kaalin wax ku ool ah oo bulsho, loona baahan yahay in la garab istaago Dawlad iyo Shacab.

Xarunta sahan waxa la aasaasay wakhti toban sanno ka soo wareegtay, waxaana lagu bilaabay dhismeyaal kooban, haddase waxa ay degentahay Kaambool weyn oo ay ka dhisan yihiin dhismeyaal bilicsan, sida uu sheegay agaasimaha xaruntan Kayse Xasan Cumar oo ka hadlayey xaflada ay kula wareegeen Kaalmada ka soo gaadhay Dawladda.

Geesta kale, Maamuleyaasha Xaruntan, ayaa sheegay in lagu soo kordhiyey qaybo kale oo la xidhiidha barashada Diinta iyo duruusta maadiga ah, taasoo lagu xoojinayo xirfadaha aqooneed ee la baro dadka lagu hayo xarunta oo ah kuwa ay asiibaan xannuunnada dhimirku, isla markaana halkan loogu fidiyo Dabiib, daryeel, dhaqan-celin iyo waxbarasho.

Dhanka kale, Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Maamulaha guud ee Cisbitaalka Sahan ayaa uga mahad-celiyey Wasaaradda shaqo-gelinta agabka iyo Xoollaha nool ee ay ku wareejisay, waxaanu sheegay in talaabo wanaagsan oo dhiirigelin ah ay u tahay maamulka iyo taageerayaasha xarunta.

Sanad walba tobanaan Qof oo dib ugu soo laabtay xayndaabka nololsha caadiga ah, xuskooduna taam noqday ayaa ka soo baxa xarunta sahan, waxaana hadalka Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada ee ku wajahan xaruntani iftiiminayaa in ay wasaarad ahaan u aqoonsadeen mustawaha ay mudan tahay in lagu qiimeeyo ah  in ay noqoto xarun Qaran oo shacabka iyo dawladduba gacan ka geystaan sidii loo sii horumarin lahaa, iyadoo ay howshanina ku soo beegantay dhamadka todobaad uu somaliland ka socday Ololle ku saabsan xanuunka Dhimirka.

Olollahasi oo bilaabmay 10-kii bishan Oktoobar oo ku beegnayd xuska maalinta caalamiga ah ee xannuunka Dhimirka oo Magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagaga hadlayey sidii loo yarayn lahaa xannuunka dhimirka, loona ilaalin lahaa xuquuqda dadka uu asiibay xannuunkaasi ee daryeelka u baahan.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalkan