HARGEYSA: Wasiiro Qado Sharaf ku Maamuusay Wafti Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka Socda oo Somaliland ku Sugan

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo wasiirka wasaaradda biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay weftiga dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia ka socda ee maalmihii u dambeeyay Hargeysa ku sugnaa. Kulanka qado sharafta ah oo ay wada jir u soo agaasimeen labada wasiir ee gobolada bariga Somaliland ka soo jeeda ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhaweynta weftiga DDSI iyo isbarashada madaxda labada dhinac iyo dhiiri galinta is dhexgalka labada dhinac.Wafti 4

Wasiiro xukumadda Somaliland ka tirsan, masuuliyiin xukumadda xilal kala duwan ka haya, xildhibaanno , qaar ka mid ah badhasaabada gobolada iyo siyaasiyiin kale ayaa ka qayb galay kulanka oo ka dhacay hotelka Hiddo Dhawr ee magaalada Hargeysa, halka weftiga Ethiopia ee dalka ku sugan oo ay weheliyaan fannaaniin ay iyana goobta joogeen.

Maayar xigeenka Hargeysa, ahna kusimaha maayarka Cabdicasiis Cagoweyne, wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, wasiirka Duulista Cismaan Cabdillaahi Saxardiid iyo xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo munaasibadda hadallo ka jeediyay ayaa si niyad samaan leh u soo dhaweeyay weftiga oo ay ku tilmaameen kuwo dalkooda labaad jooga. Waxay ku taliyeen in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal iyo is dhexgalka labada bulsho.

Wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay weftiga DDSI “Waxaan leeyahay weftiga wadankiinii labaad baad timaadeen oo soo dhaweyn uma baahnidin, waa dalkiinii ee aad iyo aad ugu soo dhawaada ayaan idin leeyahay. Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay cilaaqaadka maalinba maalinta ka dambeysa sii wanaagsanaanaya ee ka dhexeeye Somaliland iyo dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia. Waxaydun farriin walaalnimo naga gaadhsiin doontaan madaxda DDSi oo uu ugu horeeyo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweyne xigeenka iyo golihiina wasiirada naga gaadhsiiya salaam, naga gaadhsiiya dadkeena oo aynu isku soo dhaweyno,” ayuu yidhi wasiir Baashe.Wafti 1

Wasiir Saleebaan Ciise Axmed(Xaglotoosiye), ayaa isna madasha ka sheekay in dadka da’doodu yar tahay ee maamulka soomaalida Ethiopia waxbadan oo horumar ah qabsadeen, isagoo tilmaamay inay haboon tahay in qofku intuu yar yahay laga shaqaysiiyo “Waan idin soo dhaweynaynaa, waxaynu nahay dad ehel ah oo isku mid ah. Aniga reerkayagu wuxuu degaa War-dheer, degmada Dannood, Heegaale iyo Qararre, waana dhul Ethiopia ah. Inta halkan fadhidaana waa ila mid oo mid aanu reerkoodu Ethiopia degini ma jiro, markaa waa dal aanu leenahay oo aan aaminsanahay inaanay cidi iga xigin, inaynu ka wada shaqayno amniga, inaynu is garabsanno, is taageero oo is ilaashanno”.

Wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia Khadar Cabdi Ismaaciil,  ayaa isna u mahadceliyay shacbiga Somaliland iyo xukumadda “Waxaa marba marka ka dambeysa aad noo farxad galinaya oo kalsooni nagu sii abuuraya wasiirada Somaliland ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Axmed maxamed Siilaanyo, oo xaqiiqatan marba marka ka dambeeya nagu abuuraya kalsooni ah inaanu joogno magaaladayadii Jigjiga oo aanu dareemayno inaanay waxba nooga duwanayn,” ayuu yidhi wasiir Khadar oo intaasi ku daray “Waxaanu halkan mahad balaadhan uga soo jeedinaynaa dhammaan nidaamka dawliga ah ee Somaliland iyo shacabkoodaba, sida fiican ee kalgacalka iyo wada dhalashada iyo walaalnimada leh ee ay Somaliland noogu soo dhaweeyeen,” ayuu Wasiirka ganacsiga DDSI.Wafti2

Wasiirku waxa uu sheegay in labada maamul horumar ka gaadheen dad ka soo horjeeday danaha labada dhinac oo khalkhal galin jiray ammaanka “Waxaanu xaqiiqatan dareemaynaa inay jireen shakhsiyaad neceb ama aan raali ka ahayn isu soo dhawaanshaha labada shacab ee wada dhashay een meela ku kala tagi karrin inay ka xun yihiin. Taasna waxaan dhihi karaa labada dhinacba way jireen,  Illaahay mahaddii hawshii barigii dhawayd ina qabsatay oo kale talaabo ayaynu ka qaadnay, idinkuna si fiican baad samayseen, waxaana saldhig u ah talaabooyi​nka fiican ee madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo qaaday, islamarkaana labada madaxweyne ay ka go’an tahay inay dadkan walaalaha ahi kuwada noolaadaan wanaag iyo isjacayl, nabadgalyo iyo horumar, ugu dambeyn waxaan leeyahay “Hilbo wada dhashiyo hayb qudhaynu nahay,” ayuu yidhi wasiir khaddar.

Ugu dambeyn Wasiir xigeenka amniga ee wasaaradda Daakhiliga Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in weftiga ay la yeelan doonaan kulan balaadhan oo labada dhinac kaga arrinsanayaan arrimaha ammaanka. Waxa uu sheegay in labada dawladood iska kaashanayaan ammaanka si looga hortago saamayn midba mid ka kale ku yeesho, maadaama waxa dhinac ka dhacaa dhanka kale saamaynayo.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland