Hargeysa: Urur Diimeed sita mid ka mid ah Magacyada reer-Galbeedku Argagixisada u yaqaannaan oo lagu dhawaaqay

Hargeysa, (SLpost)- Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa Lagaga dhawaaqay Urur-Diimeed cusub oo isu diyaarinaya inuu ka mid u noqdo ururrada Siyaasadda Somaliland ee u  tartami doona doorashada Golayaasha Deegaanka ee sannadka soo socda.

Ururkan oo magaciisu yahay XISBUL-LAAH, ayaa Xubnaha ku dhawaaqay sheegeen in ururkani ururrada kale kaga duwan yahay ku dhaqanka shareecada Islaamka oo uu doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo haddii uu tallada dalka ku guulaysto 4 sano ka dib.

Waxa kale, oo Xubnaha Ururkna ku dhawaaqay ay sheegeen inay khalad tahay ku dhaqanka Dastuurka ay ummadda Somaliland 97% haa ugu codeeyeen ee dalka u yaalla, iyagoo sidoo kale sheegay inay ka soo horjeedaan guud ahaan hannaanka dimuqraaddiga ah ee dalka ka hano-qaaday, kaasoo ay ku sheegeen inuu yahay hannaan laga soo waariday dad aan Islaam ahayn. “Ururkan XISBULLAH waa Urur Diimeed, waxaana aannu si cad ugu baaqaynaa in Ummadda lagu dhaqo Shareecada, Dastuurkeennuna waa Samaawi oo Illaahay-baa innoo soo dejiyey (Qur’aanka Kariimka ah) qofka Muslimka ahi inuu sharci iyo dastuur kale qaato uma banaana haddii uu qaatana wuu ku gaaloobayaa.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha ururkaas Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo ka hadlayey xafladii lagaga dhawaaqay oo lagu qabtay Hutel Xaraf.

Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle waxa kale oo uu yidhi; “Waxa laga yaabaa in la is-waydiinayo ururkani muxuu kaga duwan yahay Urur siyaasadeedyada kale, waxaan leeyahay adeer wax siyaasad la yidhaahdo ma jirto, ciddii taa ka murmaysaana fagaarayaaasha saxaafadda aynu iskugu nimaadno oo ka doodno oo ummada ha taabsiiyo oo ha yidhaahdo waa taas siyaasaddii.” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray. “Diinta Muxamadiya meel ay siyaadani kaga jirto Qur’aan iyo Xadiis midna ma jirto, waana dahaadh ay Munaafiqiin iyo gaalo ay dulmiga ku dahaadhaan.”

Urur Diimeedkan cusub ayaa noqonaya Ururkii u horreeyay ee noociisa ah ee lagaga dhawaaqo Somaliland, muddadii ay jirtay, iyadoo hore ay dood badani uga taagnayd furista ururro noocan kale ahi inay ku soo biiraan saaxadda Siyaasadda Somaliland, iyadoo Geeska iyo Dunida ay ka jiraan Ururro sita magacyo Diimeed, kuwaasoo ay reer Galbeedku u yaqaanaan Xag-jir ama Argagixiso, halka Ururkan cusubi ka sito magaca XISBULLAH oo ah Urur hubaysan oo ka dagaallama dalka Falastiin oo ay Yuhuudda iyo reer Galbeedku u yaqaannaan inuu ka mid yahay Argagixisada Bariga dhexe.

Somalilandpost.net

Webmaster@somalilandpost.net