Hargeysa: Ujeeddada Kulan Dhexmaray Wasiirro ka socday DDSI iyo Ganacsato reer Somailand ah

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirro ka socda dowladda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo safar ku jooga magaalada Hargeysa, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Ganacsatada Somaliland qaarkood.

Kulanka labada dhinac waxa dhinaca Somaliland uga qayb-galay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Wasiirka Maalgashiga, Maayir ku-xigeenka caasimadda iyo qaar ka mid ah Ganacstada waaweyn ee Somaliland. Halkan dhinaca kale ay uga qayb-galeen Wasiirka Maalgashiga, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Guddoomiyaha rugta ganacsiga dawlad deegaanka, iyo Maayarka degmada Wajaale ee dhanka Itoobiya.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa sheegay in masuuliyiintu ay ka wada hadleen danaha labada dal, waxa uu sheegay inay masuuliyiinta dawlad deegaanku u yimaadeen inay Itoobiya ku marti qaadaan Ganacsatada reer Somaliland iyadoo arrintaasi ay ka aqbaleen. Islamarkaa lays waydaarsan doono Maalgashiga labada dhinac.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa soo dhaweeyay wasiirada dawlad deegaanka waxanu uga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, Wasiir Cawad waxa uu sheegay in Ganacstada Somaliland ay ku dhiiri galinayaan dhanka Maalgashiga, madaama dawlad deegaanka Itoobiya iyo Somaliland ay ka dhexeeyaan wax badani.

Wasiirka Maalgashiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdisalaan Yuusuf ayaa dhinaciisa sheegay in socdaalkoodu ku wajahnaa sidii Ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ay u maalgashan lahaayeen dawlad deegaanka, waxaanu sheegay inay shir dambe ku qaban doonaan magaalada Jigjiga dabayaaqada bishan January oo lagu marti-qaadi doono ganacsatada Somaliland isla markaana usoo bandhigi doonaan fursadaha Maalgashi ee dawlad-deegaanka ka bannaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net