Hargeysa: Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska oo faahfaahin ka bixiyey hawl-gallo lagu qab-qabtay Boqolaal Qof (DAAWO)

Cabdilaahi Fadal IimaanHargeysa (SLpost)- Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka warbixiyey hawlgallo ay Ciidanka Ammaanku todobaadyadii u dambeeyey ka fuliyeen Xaafadaha Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku qab-qabteen dhalinyaro tiro badan oo loo qabtay falal dhinaca ammaanka khuseeya.

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu sheegay inay dad dhalinyaro u badan xidh-xidheen, isla markaana qaarkood xukunno Maxkamadeed oo xadhig iyo ganaax lacageed isugu jira lagu riday, halka qaar kalena weli kiisaskoodu baadhis ku jiraan, kuwaasoo intooda badan lagu qabtay iyagoo khalkhalinaya ammaanka magaalada xilliyo habeennimo ah.

HALKAN KA DAAWO WARKA