HARGEYSA STADIUM OO SI HABSAMI AH UGA SOCDA GAROONKA KOOBKII LOOGU MAGAC DARAY DHIIRIGALINTA DHALINYARADDA SOMALILAND

Hargeysa (SLpost) waxa si habsami ah uga socda garoonka hargeysa stadium koobkii loogu magac daray koobka dhiirigalinta dhalinyaradda somaliland koobkan oo in muddo ahba ka socday garoonka hargeysa stadium ayaa waxa maanta ciyaar aad  xiiso badani dhex martay labada kooxood ee kala ah kooxda duulista iyo hawada iyo kooxda gaashaan ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u raaligalisay dadwaynihii daawanayay ayaa waxa qaytii hor ee ciyaarta u suurtogashay in kooxda duullsita iyo hawadu ay la timaado laba gool

hargeysa-stadium1

kooxda gaashaan oo aan iyadu yaraysan dedaalka ay ku doonaysay inay dhankeeda ka keensato goolal ayaanay usuurto galin iyagoo dhinacna u dhaafiwaayay difaacyahanada kooxda duulista iyo hawada oo iyagu aad moodaysay in la soo siiyay dardaaran ku aadan inaan goolkooda kubadu galin

ugu dambayntii ciyaartu waxay ku dhamaatay 2 iyo 0 ay guushu ku raacday kooxda ku ciyaaraysay magaca wasaaradda duulista iyo hawada somaliland waxaana halkaas guuldaro wayn kala hoyatay galabta kooxda gaashaan ee ku ciyaarta magaca ciidanka qaranka somaliland

SLpost

hargeysa