Somaliland Oo La Yaabtay Naqdigii Midowga Yurub Ka Soo Saaray Xukunkii Qisaasta ahaa Ee Lagu Fuliyay Lix Gacan Ku dhiigle

Hargeysa, (SLP)- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Midawga Yurub oo ka hadlay lix qof oo dil sugayaal ah oo maalintii Isniintii toddobaadkan  lagu fuliyay dil qisaas ah kuwaas oo hore dad ugu dilay deegaanno kala duwan oo Somaliland ah.waasiiirka-cdaalada2

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland  Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa Naqdiga ka soo yeedhay Midawga Yurub ku tilmaamay mid aan ka hirgalayn Somaliland isla markaana aan joojinayn ku dhaqanka qawaaniinta u degsan Somaliland.

Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo u warramay warayska afka xukuumadda ku hadla ee Dawan. “Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay,  kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa  Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo  cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladdu.

Wasiirka oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo baaqa Midawga Yurub ee ay Somaliland ugu soo jeediyeen in ay joojiso dilalka qisaasta ah,waxa uu yidhi. “Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka. Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku eeyahay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland  bulshadayadiina way nagu hambalyaysay  oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta.  Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda  ha  ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso   lagumana    dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta  qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen.”

 

Somalilandpost.net