Hargeysa: Shir lagu Faaqiday Jaangoynta Istaraatajiyadda siyaasadeed ee Naasnuujinta iyo Quudinta Habboon ee Carruurta

Hargeysa (SLpost)- Kulan lagaga hadlayey Istiraatiijiyadda Sharci dejineed, Siyaasadeed iyo jaangoyneed ee Daryeelka, naas nuujinta iyo quudinta habboon ee caruurta Somaliland ee sanad xiliyeedka 2012 ilaa 2016 ayaa maanta lagu qabtay Xarunta wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.

Kulankaasi oo lagu eegayey doorka ay wasaaradda warfaafintu ka qaadan katro qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee Naas-nuujinta ayaa waxa furay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, iyadoo ay ka qayb galeen hawlwadeeno ka socday wasaaradda Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta waaxyaha ee wasaaradda warfaafinta .

Kulankan ayaa intii uu socday labada dhinac waxay isla eegeen sida looga gudbi karo dhibaatooyinka la xidhiidha nafaqo darada ee ay ka mid yahiin  Cunto yarida iyo isu dheellitirnaanteeda, xadidaada suuqgaynta iyo xayaysiinta badeecadaha bedeli kara naas nuujinta.

Labada dhinac waxay isla qaateen in wasaaradda warfaafintu doorkeeda ka qaadato wacyigelin balaadhan oo la aaminsan yahay in lagu bedelo sida ay hadda ku socoto xaaladda naas nuujineed ee dalka JSL isla markaana la qabto hawlwadeeno labada dhinac ah oo si joogto ah uga wada hawlgala qorshaha istiraatiijiyaded ee naas nuujinta Somaliland.

Sahankii lagu sameeyey Gobollada Somaliland sanadkii 2009 waxaa lagu ogaaday arimo badan oo muujinaya werwer hor leh oo ka muuqato xaaladda naas nuujineed ee Somaliland iyadoo 6.4% oo keliya la xaqiijiyey inay dhamaystiraan xiliga naas nuujinta ilmaha ee labada sanadood ah.

Somalilandpost.net/Hargeysa