HARGEYSA: Safiirka Shiinaha oo Deeq Ku wareejiyey Xarunta Dhaqan-celinta Ubadka Darbi-jiifka M Mooge, Dhisme loo dhagax-dhigay, ballan-qaad loo sameeyey Iyo Doorka Shirkadda Chinese Energy Company

Safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Hargeysa (SLpost)- Safiirka dalka Shiinaha u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia oo maanta socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, ayaa kormeer ku tagay xarunta Dhaqan-celinta Maxamed Mooge halkaas oo safiirku gaadhsiiyey deeq isugu jirta Raashin, agabka Carruurtu ku dheesho, iyo agab kale oo faro-badan.

Safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland iyo Somalia
Safiirka Shiinaha u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Safiirka oo maanta gelinkii dambe booqday Xarunta kaddib kulan uu gelinkii hore la qaatay Madaxweynaha Somaliland, waxa ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, Ganacsade Shiinaha u dhashay oo Somaliland maal-geshi ka sameeyey, Wakiilka Somaliland ee shiradda Chinese Energy Company Mr Cawil Ibraahim, Safiirka Somaliland ee Shiinaha Mr Minguste.
20171031_154352Ugu horeyn, waxa uu safiirku kormeer uu qol-qol u galay ku maray qaybaha kala duwan ee xarunta, ka hor intii aanu Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo xarunta gacanta ku haysa ku wareejin Deeqda ay xarunta ugu sideen oo ku rarneyd gaadhi weyn oo Dyna ah.

20171031_154037Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo halkaas ka hadlay Ayaa ka warbixiyey waayihii ay soo martay iyo sidii loo aasaasay xarunta Dhaqan celinta Darbijiifka oo uu ku tilmaamay mid xukuumaddu masuuliyad weyn iska sartay, waxaanu dawladda Shiinha uga mahadceliyey deeqda xarunta loogu deeqay iyo ballanqaadyo taageero waxbarashada ah oo safiirku ballan-qaaday.

Cawil Ibraahim
Cawil Ibraahim

Wakiilka Shirkadda Chinese Energy Co ee Somaliland Cawil Ibraahim, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu xarunta u dhisayso goobo waxbarasho iyo ballanqaad dhinaca deeqaha waxbarashada kuwaas oo uu sheegay inay dowladda Shiinuhu ugu soo hagaajinayso Maalqabeenka iska leh shirkadda Chinese Energy Chu Chie Bing.

20171031_153907Safiirka dalka Shiinaha u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu wada shaqayn toos ah la samaynayso dowladda Somaliland isla markaana ay ka qayb qaadanayaan taageerada adeegyada aasaasiga ah ee goobo badan oo xaruntani ka mid tahay.  Waxa kale oo uu safiirku sheegay inay dhiirrigelinayaan sidii ay Somaliland u iman lahaayeen si ay maalgeshi uga sameeyaan Shirkado waaweyn oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Maalqabeenka Shiinaha u dhashay
Maalqabeenka Shiinaha u dhashay

Hadallo kooban oo madasha laga jeediyey kaddib, waxa uu safiirku halkaas ku dhagax dhigay dhisme afar Qol ka kooban oo loogu talogalay goob ay wax ku bartaan carruurta xarunta ku jirta.

Booqashada Uu safiirku ku tagay Xarunta waxa suurta geliyey isla markaana isku hawlay Wakiilka
Shirkadda Chinese Energy Co ee Somaliland Cawil Ibraahim Sida uu Munaasibaddii loo qabtay wareejinta Deeqda ka sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo Mr Cawil iyo Shirkaddiisa ku bogaadiyey hawsha uu muwaadin ahaan isku xil-qaamay taas oo wasiirku ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan oo muwaadin kasta oo awood u leh ay waajibkiisa tahay.

Wakiilka Somaliland u fadhiya China
Wakiilka Somaliland u fadhiya China

20171031_160451