Kulan Lagu Lafo-gurayay Kaalmada Adeegga Sharci Ee Somaliland Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargesa, (SLP)- Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qabsoomay kulan hal maalin ah oo lagaga dooddayay, laguna lafo-gurayay bixinta adeegga kaalmada sharci ee Somaliland.

Kulankan oo ay soo abaabuleen machadka Horizon oo ku hawlan mashruuc laba sanno soconaya oo lagu horumarinayo garsoorka Somaliland, waxaana maalgelinaysa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalalka reer Yurub ee loo yaqaan DFID.

Kulankaas ayaa waxa ka qayb galay dad tiradoodu ay dhan tahay 25 qof oo ka qayb qaadanayay bixinta adeegga kaalmada sharci ee Somaliland, kuwaasoo ka kala socday dhamaan gobollada dalka.

Waxaana ugu horeyn hada dhiirigelin ah halkaas kasoo jeediyay agaasimaha machadka Horizon Siciid Axmed Maxamuud, waxaanu yidhi. “Waxaan rajaynayaa in isu imaadkiinani inuu midho-dhalo oo inooga soo baxo dhamaantiin waayo-aragnimadii aad hesheen oo aynu si hufan isu waydaarsano oo ay inooga soo baxaan tusaale iyo talooyin waaweyn oo lagu sii horumariyo adeegga sharci ee aynu u baahanahay, waxaynu wada ogsoonahay in hufnaanta iyo adeegga sharci ee aynu u baahanahay horumarintiisu inay bulshadoo dhan dan u wada tahay oo caddaaladeenana ay qayb weyn ka qaadanayso.”

Agaasimaha machadka Horizon waxa kale oo uu ka hadlay doorka machadkaasi ku leeyahay adeegyada sharci ee dalka ka jira, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Machadka Horizon waxa uu ku waajahan yahay adeegga sharci ee dalka oodhan laga hirgelinayo, waxaanu iskaashi dhaw la leeyahay dhamaan hay’addaha sharci ee waddanka ka dhisan hadday tahay xeer ilaalinta, maxkamadda sare, wasaaradda cadaaladda iyo guddida dibu habaynta sharcigaba.”

Somalilandpost.net