Hargeysa: Nuxurka Kulan Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda QM u qaabilsan Maamul Hawada Sare (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaraddiisa, ayaa magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Masuuliyiin ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada Sare ee ICAO oo xaruntoodu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hargeysa: Nuxurka Kulan Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda QM u qaabilsan Maamul Hawada Sare (DAAWO)Kulanka Dhexmaray masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland iyo Hay’adda ICAO oo ku qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo khuseeya maamulka Hawada ee dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo hay’addani gacanta ku hayso iyo sidii Somaliland ugu madax-bannaan lahayd maamulkeeda hawada sare.

DAAWO

SOMALILANDPOST.NET