Hargeysa: Murashax Beeshiisu u caleemo-saartay inuu ku metelo Doorashado Rejada Qabsoomisteedu Cirka ku laalantahay (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Beel ka mid ah Beelaha dega Koonfurta Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta munaasib laysku Arkay ku taageertay isla markaana kalsoonida ku siiyey inuu ku metelo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo loo muddeeyey inay qabsoonto dabayaaqada sannadka dambe.

Xaflad ballaadhan oo ka dhacday Hotel Dalxiis ee magaalada hargaysa, ayaa Beesha Cabdi Ciise (Ciida-gale) ku caleemo saartay aqoonyahan da’yar oo lagu magacaabo Naasir Yuusuf Cismaan (Cirro) inuu u metelo beshooda doorashada golaha wakiilada ee soo socda oo uu ka mid noqon doono murashaxiinta Xisbiga UCID ugu tartami doona Kuraasida golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex.

IMG_0132Waxaana munaasibadda ka soo qayb-galay Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo dhalinyarada Beesha Cabdi Ciise, masuuliyiin ka socda Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

Xaaji Cabdi Waraabe oo ka mid ah Madax-dhaqameed iyo Waxgaradka Beesha xubno kale oo munaasibadda ka hadlay, ayaa dhammaantood iska daba maray sida beeshu u garab taagantahay Murashaxa Golaha Wakiialda Nasir Yuusuf Cismaan Iyagoo halkaasna ka ballan-qaaday in ay la barbartaagnaan doonaan Cudud .Dhaqaale Iyo Taageeraba Murashaxa Beesha Cabdi Ciise Ee Doorashooyinka Golaha Wakiilada.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay murashaxa u taagan doorashooyinka golaha wakiilada Naasir Yuusuf Cismaan oo sheegay in uu soo dhaweynayo taageerada ay beeshu u muujiso isla markaana shaaciyay in u taaganyahay jagada gudoomiyaha golaha wakiilada marka uu ku guuleysto doorashadaasi haddu alle idmo.

Doorashada Golaha Wakiillada iyo ta madaxweynaha ayaa loo muddeeyey inay qabsoomaan dabayaaqada sannadka dambe, haseyeeshee inta aanay doorashadu qabsoomin waxa dalka laga qabanayaa laba diiwaan-gelinood oo ta cod-bixiyeyaashu ku jirto, kuwaas oo xilligan diyaar-garow loogu jiro sidii loo qaban lahaa, iyada oo axsaabta iyo xukuumadduna isku raaceen illaa diiwaangelin la qabto in aan la qaban karin doorasho dalka ka dhacda.

 

SOMALILANDPOST.NET