HARGEYSA & MUQDISHO: Isbarbar-dhigga Faraqii u dhexeeyey Jewiyadii is-shabbahay ee Labada Gole Baarlamaan oo la horgeeyey Mooshinno Fashilmay

Ka War-wareeggii Guddoomiye Cirro ee gelista Golaha Wakiillada iyo Ka Bixistii Guddoomiye Jawaari ee Fadhiga Baarlamaanka

 Hargeysa/Muqdisho (SLpost)- Mooshin Xildhibaannada Muxaafidka ee Golaha Wakiillada Somaliland doonayeen inay xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golahaas iyo Mooshin ay Xildhibaannada Madaxweynaha Soomaaliya taageersani doonayeen inay Kalsoonida kagala noqdaan Raysal-wasaaraha Federaalka, ayaa fashilmay sabtidii shalay, ka dib markii uu mid weliba dhiniciisa suuragal u noqon waayey inay u meel-maraan sida ay doonayeen Mudanayaasha Wata oo lagu eedeeyey inay dabada ka riixayeen Madaxtooyada Hargeysa iyo ta Muqdisho.

22Inkasta oo ay kala duwanaayeen haddana Jewiyada ay ku furmeen Golaha Wakiillada Somaliland iyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Sabtidii shalay, ayaa is-shabbahayey oo midba midka kale dhinac uga muuqaal ekaa, waxaana Fadhiyada 15-ka bishan November ee shalay labadan Gole mid weliba u ballansanaa inuu furmo, iyagoo mid weliba Sabtidii toddobaadkii hore baaqday, waloow Baarlamaanka Soomaaliya buuq hadheeyey Sabtidii hore lafteeda, halka isla maalintaas furitaanka Kal-fadhiga 26-aad ee Wakiillada Somaliland ay Shir-guddoonku dib u dhigeen illaa Sabtidii shalay, haddana waxa labada fadhi ee shalay labadan Gole kala yeesheen mid waliba ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Shalay iyo Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland

Fadhiga Golaha Wakiillada ee loo ballansanaa inuu shalay furmo, ayaa Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Xukuumadda taageersani doonayeen inay keenaan Mooshin ay xilka kaga qaadayaan Md. Cirro uu ka baaqday oo uu sheegay inaanu ka qaybgalaynin illaa inta Ciidammo badan oo xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda la dhoobay laga qaadayo, sida uu ku dooday.

aaHase-yeeshee, Fadhiga Goluhu uma baaqan maqnaanshihiisa ee markii ay Mudanayaasha Muxaafidku isu-yimaaddeen, isla markaana Kooramku u buuxsamay ee ay 45 Xildhibaan ka soo xaadireen, ayuu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Md. Baashe Maxamed Faarax oo uu garab-fadhiyey Ku-xigeenka Labaad Md. Cali Yuusuf Axmed, waxa uu sheegay in fadhigu u furmay. “Waxaa innoo furmay Kal-fadhigii 26-aad ee Golaha Wakiilada, waxaynu u nimid Mooshin Golaha Hor-yaalla oo ah Maamuus-ka-xayuubinta Guddoomiyaha.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayey fadhiga shalay.

Hase-yeeshee, markii uu halkaas marayo Guddoomiye Ku-xigeen Baashe, waxa fadhiga Mucaaridku ka maqnaa ee Mudanayaasha Muxaafidku ku keliyeysteen soo galay Shir-guddoonka iyo Xildhibaanno ka tirsan Guddi-hoosaadka Joogta ah ee Golaha Guurtida oo uu Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf  (X. Cabdi-Waraabe) iyo xubno kale uu hor-socday Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ka mid ahaayeen waxaanu Baashe oo hakad geliyey hadalkii furitaanka ee uu bilaabay, waxaana markaas bilaabmay Buuq iyo Qaylo ay Mudanayaasha iyo labada Ku-xigeen ee Shir-guddoonka iyo Xubnaha Guurtida ee u soo galay ka dhex-bilaabmay.

“Nooga baxa Golaha, Golahan kama talisaan ee Golaad leedihiin ee taga Golihiinna…” weedhahaas iyo kuwo macno ahaan ay isku dhadhan yihiin ayay ku dhawaaqeen qaar ka tirsan Mudanayaasha Madasha fadhiyey. Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Guurtida iyo Xubnaha la socday inaanay soo faro-gelin Wakiillada ee ay laba Gole kala yihiin, isla markaana aanu ka soo dhex-gelin jaanis uu shalay ahaan u haystay hoggaaminta iyo maamuus-ka-xayuubinta Guddoomiyaha. “Yeeli mayno ee Golihiinna taga, yeeli mayno ee Golihiinna tega….” ayaa ka mid ahaa kelmadihii uu ku dhawaaqayey Baashe Maxamed Faarax. “Waar aan xishoonno, aan dhegaysanno Guurtida, waxay innoogu yimaaddeen Maslaxaad aan xishoonno…” Weedhahaas waxa sidoo kale ku dhawaaqay mid ka mid ah Mudanayaasha Muxaafidka ee Golaha fadhiyey.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guurtida oo la hadlaya Baashe, ayaa yidhi; “Baashoow ka daa, ka daa Baashoow dan innooma ahee ka daa.” Intaas waxa uu Guddoomiye Saleebaan ku sii ladhay oo yidhi; “Waar na maqla, go’aanka idinkaa leh, go’aan aannu idinka joojinayno annagu ma jiro, talaannu wadnaa, waxaannu idin leenahay arrinta waannu u soo kacnay, Qaranku waa innaga dhexeeyaa, waynu guda-galaynaa ee noo hakiya.”

Intaas ka dib, kulan daqiiqado kooban ay wada-yeesheen Xubnaha Shir-guddoonka Guurtida iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiillada ee fadhiga hoggaaminayey, ayuu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ku aqbalay Ergada Guurtida ee joojinta fadhiga u furmay.

Waxaanu Baashe oo aqbalaaddiisa ka dib la hadlay Xildhibaannada fadhiga ka soo xaadiray uu yidhi; “Waxaa innoo furmay Kal-fadhigii 26-aad ee Golaha Wakiilada, waxaynu u nimid Mooshin Golaha Hor-yaalla oo ah Maamuus-ka-xayuubinta Guddoomiyaha. Waxaa innoo yimid Shir-guddoonkii Guurtida iyo Guddidii joogtada ahayd, waxay innaga codsadeen inaynu muddo laba maalmood ah u Barri (maanta waa Axada) iyo Isniinta dib ugu dhigno fadhigan, waxa fadhiyey Golaha 45 Xildhibaan, Kooramkuna wuu innoo buuxay, markaa, waxaynu fadhigeennii si caadi ah u furanaynaa Salaasadda.”

Sidaa ayuu ku baaqday Fadhiga koowaad ee Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiillada ee Mudanayaasha Muxaafidku soo dhigayeen Mooshinka ay sheegeen inay Maamuuska kaga xayuubinayaan Guddoomiyohooda Cabdiraxmaan-Cirro. Balse, Cirro oo markaas ka dib Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu cambaaraynayo, isla markaana sharci-darro yahay fadhiga u furmay Garabka Xukuumadda sida uu hadalka u dhigay, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Xukuumaddu inay faro-gelin qaawan iyo inqilaab badheedh ah ku hayso Golaha, uguna baaqayo inay faro-gelinta ka joojiso, waxaanu ballan-qaaday inuu dhiniciisa aqbalayo go’aankasta oo ay Golaha Guurtidu isugu soo dhawaynayaan Wakiillada.

Jewigii Baarlamaanka Soomaaliya

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maalintii labaad shalay Buuq, Qaylo iyo Sawaxan Suuragelin waayey in fadhi aan caadi ahi u furmo, waxa qorshaha Shir-guddoonku ahaa in Mudanayaasha fadhigan loogu soo gudbiyo Mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Raysal-wasaaraha Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, kaasoo ay dhawaan Raysal-wasaaraha ka soo gudbiyeen Xildhibaanno taabacsan Madaxweynaha oo khilaaf cakirani ka dhexeeyo Raysal-wasaaraha dalkaas.

xildhibaannada soomaaliyaMarkii Shir-guddoonku holladay furitaanka fadhiga oo ay ugu soo gudbin lahaayeen Mudanayaasha Mooshinkaas is-hortaagay oo Buuq iyo qaylo kala hor-tegay ama ku bilaabay Xildhibaannada Mooshin-diidka ah ee Taageersan Raysal-wasaaraha, waxaanu Goluhu isu-rogay meel Buuq iyo Qaylo ka taagan tahay oo aan xaaladdu degganayn ee ay cakiran tahay.

Inkasta oo ay isku dayeen inay arrinta dhulka dhigaan oo buuqa oogmay damiyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ku- xigeennadiisu, haddana kumay guulaysan inay dajiyaan xaaladda ka taagneyd xarunta Baarlamaanka.

“Mudanayaal fadhiista, aan is-maqalno, aan is ixtiraanno fadhiista oo buuqa iyo qaylada innaga joojiya.” Erayadaas dejinta ah ayuu ku dhawaaqayey oo uu ku celceliyey Guddoomiye Jawaari.

Hase-yeeshee, markii dheg loo dhigi waayey ee ay Xildhibaannada Mooshinka diiddani waxba ka dhegaysan waayeen, uguna jawaabeen Erayo ay ka mid ahaayeen; “Guddoomiye Mooshinka aad waddaa waa Sharci-darro, adigaa Qaranka duminaya, Qof baad u shaqaynaysaa, Maanta Qaran iyo qof bay taagan tahay.” Kuwaas iyo kuwo kale oo ka badan markii ay ugu jawaabeen, isla markaana dheg u dhigi waayeen dhawaaqiisa iyo codsigiisa, qaarkoodna ugu jawaabeen Heeso ay fadhiga ka qaadeen, ayuu Guddoomiyaha Jawaari oo cadhaysani iskaga baxay Fadhiga Golaha-ba.

Waxay u muuqdeen Xildhibaannada Mooshinka diiddani kuwo u abaabulnaa inay ka hor-tagaan isku day kasta oo Mooshin lagu keeni karo, waxaanay Hoolka ka billaaben sawaxan iyo buuq, waxay la soo baxeen Boodhadh ay ku qoran yihiin Hal-ku-dhegyo ay ku diiddan yihiin Mooshinka la doonayo in codka kalsoonida loogu qaado Raysal-wasaaraha.

Mooshinnadan Jewi-wadaaga noqda ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo Baarlamaanka Soomaaliya, ayaan weli meel la isla og yahay salka dhigan, isla markaana midkoodna weli si rasmi ah loo hakin, lamana garan karo halka ay ku dambayn doonaan, inkasta oo ay Somaliland iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin doorka dhexdhexaadinta Golaha Guurtida oo ay Somaliland dheertay Soomaaliya, had iyo jeer-na dhex-gala khilaafyada siyaasiga ah oo loo hoggaansamo go’aannada ay ka soo saaraan muran-siyaasadeed kasta oo Somaliland ka bilaabma oo ay Guurtidu dhex-gasho. Balse Soomaaliya doorkaas ayaa ka maqnaa, taas oo ah meesha ay ka qaawan tahay siyaasadda Soomaaliya.

@Himilo