HARGEYSA: Munaasibad Caawa lagu soo Bandhigay Xaddiga Lacagta loo ururiyey Dhismaha Jidka Ceerigaabo

Hargeysa (SLpost)-Munaasibad ballaadhan oo lagu soo bandhigay Lacagta qaadhaanka Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, ayaa caawa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

103Shaashada Telefishanka Dawladda iyo HCTV ayaa si toos ah looga baahinayay Xafladdan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiin xukuumadda ka socda iyo boqolaal Marti sharaf ah, taasoo lagaga dhawaaqay isu geynta lacag ka badan Shan Boqol oo Kun oo Dollar  ($500,352.34).oo ku jirta gacanta Guddida dhismaha Jidkaa loo magacaabay, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Xukuumadda ee xaflada ka hadlay, halka sidoo lacag malaayiin Dollar ah ballan-qaadkooda laga sugayo qurbejoogta iyo ganacsatada dalka.

121Xafladda ayaa isla caawa ay kaga dhawaaqeen dadkii ka soo qayb-galay qaadhaan cusub, waxaana dhinaca kale lagu sharaxay qaabka ay dadku lacagta u kala bixiyeen ilaa bilowgii qaadhaan uruurinta Mashruuca.

weeedDadka caawa Munaasibadan lagu bandhigay magacyoodda ee ka qayb-qaatay Mashruuca waxa ka mida Madaxweyne Siilaanyo oo bixiyay $6,000 oo Dollar iyo Masuuliyiin kale oo sar-sare iyo asxaabta Mucaaridka ah.

Dhismaha waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo Masaafo ahaan dhan 375KM ayaa lagu qiimeeyay lacagta ku baxaysa Laamiga laga dhisayo lacag kor u dhaafaysa 20 Milyan oo Dollar .

SOMALILANDPOST.NET