Hargeysa: Muj Ibraahim Dhegaweyne, Boobe Yuusuf, Haji Mahad Ibrahim iyo Danjire Barkhad M Kaariye oo Ka Hadlay Bandhigga Buugga Hayaankii Hilowga Arwaaxda

Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne, Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Haji Mahad Ibrahim oo ah Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin iyo Safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa ka hadlay Qiimaha macluumaadka ku duugan Buugga Hayaankii Hilowga Arwaaxda oo Habeen Dambe lagu soo bandhigi doono magaalada Hargeysa.

Waxa ay sidoo kale ka hadleen shaqsiyaddii iyo Aqoontii ay u lahaayeen qoraagga Buugga Allah ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ahaa Ruug-caddaa ka tirsanaan jiray Bahda Saxaafadda iyo Waxbarashada ee Somaliland.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo Kelmadaha ay ka yidhaahdeen shaqsiyaddii Marxuumka iyo xogta ku duuggan Buugga Hayaankii Hilowga Arwaaxda.