Hargeysa: Mid ka mid ah Libaaxyo loo hadyadeeyay Madaxweynaha Jabuuti oo Dib loo soo celinayo iyo Sababta ka Dambaysa

Hargeysa (SLpost)- Libaaxyada ku nool Beerta Libaaxyada ee Cali Maxamed Warran-cadde ee Magaalada Hargeysa, ayaa la doonayaa inay tarmaan, si tiradoodu u korodho, waxaanu maamulka beertaasi ku hawlan yahay sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen dedaallo qorshahan lagu suurta-galinayo.

Beerta Cali Maxamed Warran-cadde ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu hayaa 7 Libaax oo Lix ka mid ahi yihiin Aar iyo Hal Gool, laakiin Maamulka Beertaasi oo ah Cabdiqani Cali Warran-cadde, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dib uga soo celiyaan mid ka mid ah Laba Libaax oo Cali Maxamed Warran-cadde uu hore Hadyad ahaan u siiyey, taasi oo ah Gool, si ay markaa u tarmaan Libaaxyada lagu dhaqo Beerta Libaaxyada Hargeysa.

Libaax_WarancadeCabdiqani Cali Warran-cadde oo ka hadlaya siday u dhaqaan Libaaxyada ay hayaan ayaa yidhi “Libaaxyada waxaanu Beertan ku haynay illaa 1992-kii oo aanu ku dhaqaalayneynay, waxaanuna jecel-nahay inaanu daryeello, Somaliland-na aan laga waayin Libaaxyada.”

Cabdiqani oo u warramay Telefiishanka SBC oo beertaa booqday, ayaa sheegay inay doonayaan inay Tarmaan isla-markaana badato Tirada Libaaxyadu “Hadda waxaanu halkan ku haynaa 7 Libaax (6 Aar iyo 1 Gool), waxaanu doonaynaa inay Tiradan ka bataan, sidaasi darteed waxaanu Madaxweynaha Dalka Jabuuti ee aynu Walaalaha nahay hore u siinay laba Libaax, oo Aabbahay Walaalnimo iyo Hadyad ahaan u siiyey, kuwaasi ayaanu doonaynaa inaanu Mid ka soo qaadno (ka soo celino), si ay markaa u tarmaan.  Markaa dhawaan waxaanu jecel-nahay inaanu Beerta keeno Gool (Libaaxa Dhedig)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Libaaxyada Maalin walba Cunto ayaa la siiyaa (Hilib), Nadaafaddoodana waanu daryeellaa, Dawana waanu siinaa (Hadday Bukoodaan).”

Lixda Aar ee lagu hayo Beertaasi badankooda waxa dhashay Goosha keliya ee hadda ku toddobada ah, laakiin sida Cabdiqani sheegay libaaxyadu si ay aad ugu tarmaan waxa Dalka Jabuuti laga soo celinayaa mid ka mid ah Laba Libaax oo Siyaasiga Cali Maxamed Warran-cadde uu hadyad ahaan u siiyey Madaxweynaha Jabuuti, taasi ah oo Gool, taasi oo Macnaheedu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu ku hadhayo ama uu sii haysanayo Hal Libaax ama Aar, maaddaama oo Goosha laga soo celinayo.