Hargeysa:-Maydka Nin Deldelan Oo Laga Halay Xaafada Masalaha

Hargeysa(SLPost)-Xaafada Masalaha ee magaaladda Hargeysa ayaa lagu arkay maydka nin ka daldalan geed dheer oo gudhac ah dushiisa.

IMG-20151229-WA0003

Ninkan ayaa si kadis ah ay ula kulmeen haween iyo ciyaal aaga uu isku daldalay marayay, waxaana dad goobta soo gaadhay oo wajigiisa aqoonsaday ay sheegeen inuu dhimirka wax ka qabay. ciidamada booliska oo goobta soo gaadhay ayaa markiiba maydka meesha ka qaaday waxaana lagu warmayaa inay baadhitaan ku wadaan.

Maydka ninka deldelnaa ayaa dhaawaac kaga yaalay lugaha inkasta oo aan la garanayan sida ay nabaradaasi ku soo gaadheen.