Hargeysa: Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Shaqsiyaddii Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo Maanta Geeriyooday

 

Hargeysa (SLpost)- Eebbe naxariistii Janno haka Waraabiyee waxa maanta Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo ka mid ahaa Haldoorka Bahda Garsoorka ee Somaliland oo ku soo gudo-jiray 25-kii sanno ee u dambeeyey.

Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi

Allah haw naxariistee Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Waaxda Garsoorka, isagoo soo Qabtay Xilalka kala ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale Xilka Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA,

Geerida Marxuumka waxa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo tacsi u diray ehelka, qaraabada, qoyska, Bahda Garsoorka Somaliland Geerida ku timi Marxuum Jaamac Cilmi Xaashi oo ka mid ahaa Guddigii loo xil-saaray Dejinta iyo Samaynta Dastuurka Somaliland.

War-qoraal kooban oo xambaarsan dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha oo uu soo saaray Afhayeen Maxamuud Warsame, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Marxuumka oo ka mid ahaa guddidii samaysay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xilalka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, agaasimihii guud ee wasaaradda cadaalada iyo garsoorka, la taliyihii arrimaha sharciga ee madaxweynaha, ka soo qabtay wakhtigii xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal “AHU” waxa kale oo uu noqday gudoomiyaha qareenada Somaliland, wakhtigana ahaa la taliyaha Sharciga ee golaha guurtida Somaliland, waxaanu geeriyooday maanta isagoo gudanaaya waajibaadkiisa qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan hawl-kara oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda qareenada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu kaga hadlay Geerida Marxuum Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi.
Bahda Warbaahinta Somalilandpost.net waxa tacsi u dirayaan Qoyska, Ehelka, Qaraabada, Asxaabta iyo Bahda Garsoorka Somaliland ee uu ka baxay Marxuumka Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo ka mid ahaa Haldoorka Bahda Garsoorka Somaliland. Waxaanu Eebbe uga baryaynaa Marxuumka Naxariistii Janno ka waraabiyo, dhammaan qoyska, qaraabada, ehelka iyo bahda Garsoorka-na Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin.