Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay Aaska qaran oo loo sameeyey Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo kaa mida ahaa mudanta bahda dhaqanka ee Somaliland islamarkaana lagu aasay Koonfurta Caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ayaa tacsi u diray qoyskii qaraabadii bahda dhaqanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee uu ka baxay inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo Marxuukana alle uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo waxaana uu yidhi “ Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, Waxaan joognaa tacsidii sameeyey Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Ilaahay Suldaanka how naxariisto oo jannadii Fardowsa haka waraabiyo qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo.

https://www.youtube.com/watch?v=dBioAP_HT7E