Hargeysa: Maayar SOLTELCO oo ka warbixiyey Shirweyne Caalami ah oo uu kaga Qayb-galay Dalka Kenya

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Hargeysa ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa faahfaahin ka bixiyey shir caalami ah oo uu kaga qayb-galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco, waxa uu sheegay inuu kulankaasi ahaa shirweynihii u horreeyey ee ay soo qaban-qaabiso hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHABITAT, isugu yimaaddeen 4000 qof oo ka kala socday 193 waddan oo isugu jira Madaxweyneyaal, wasiirro iyo Maayarro, kuwaas oo lagu soo marti-qaaday. 

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE