Hargeysa: Koox Shaqaale Ah Oo U Dhalatay Dalka Shiinaha Oo Dagaal Khasaare Gaystay Dhexmaray

Hargeysa, (SLP)-  Koox shaqaale ah oo u dhashay dalka Shiinaha, isla markaana ku sugan dalka Somaliland ayuu dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray, isla markaana u kala saftay laba garab magaalada Hargeysa.

Shaqaalahan dalka shiinaha ka soo jeedda ayaa isku weeraray Faashash iyo Birro, kuwaasoo dhaawacoodii la geeyay xalay cusbitaalka guud ee Hargeysa, halkaasoo lagu daweynayo kuwii waxyeeladu soo gaadhay.

Shaqaalahan u dhashay dalka Shiinaha ee isku fara saaray Hargeysa ayaa siday wararku sheegayaan waxay ka shaqeeyaan shirkado ka hawl-gala Somaliland, kuwaasoo is-maandhaaf dhex maray uu sababay in ay gacanta isula tagaan, halkaas oo shan ka mid ahi kooxdaasi uu dhaawac ka soo gaadhay dagaalkaas,  iyadoo sida ay xaqiijiyeen hawl-wadeennada cusbitaalka guud ee Hargeysa qaarkood dhaawacoodu yahay mid culus.

Illa hadda ma jiro wax faaf-faahin ka bixyey, isla markana xukuumadda iyo shaqaalahan laftoodu kama hadalin, iyadoo xukuumaddu Waddo Sababta keentay inay dagaal gacan ka hadal ahi dhexmaro.

Lama garanayo sababta khilaafka kooxdan ee keenay dhaawaca iyo inay isu adeegsadaan hub birro iyo midiyo ama faashash ah.

Kooxdan u dhalatay dalka Shiinaha ee shaqada u jooga dalka ayaa noqonaya kuwii u horeeyay ee dhacdo noocan oo kale ahi dhexmarto, tan iyo intii Somaliland jirtay.

News

Somalilandpost

Hargeisa Office