Hargeysa: Khasaaraha Dab ka Kacay Xaafadda Isku-raranta ah ee State-Houseka

Hargeysa (SLpost)- Xaafadda State-House-ka ee magaalada Hargeysa oo  maanta gelinkii dambe ka kacay, ayaa waxa ku shufbeelay in ku dhow 300 oo guri, ka dib markii uu dab ka kacay wejehadda Galbeed ee xaafaddaas.

Xaafaddan oo ah Isku-raran ay deggen yihiin dadka ka soo noqday Qaxoontiyada ka soo noqday dalalka jaarka iyo danyar ku barakacday nawaaxiga magaalada, isla markaana ka samaysan Buulal, ayaa waxa u gurmaday gaadiidka dab-demiska ee Dawladda Hoose iyo Shirkadda Dahabshiil.

State-house-kaIlaa hadda lama oga sababta dhalisay dabkan oo qiiqii ka kacay laga arkayey inta badan xaafadaha galbeedka Magaalada Hargeysa, balse waxa uu baa’biiyey guryo badan oo ahaa buulal yaryar oo ay degganaayeen dadka danyarta ah ee xaafadaasi, waxaana wariyayaasha halkaasi gaadhay sheegeen in guryaha uu dabkaasi baa’biiyey ay gaadhayaan ttobanaan guri oo nooca buulasha ah.

Gaadiidka dab-damista ee dawladda hoose iyo kuwo shirkada Dahabshiil, ayaa u gurmaday halka dabkani ka kacay, waxayna ku guulaysteen inay hakiyaan oo ay bakhtiiyaan  dabkaasi oo dabayshu si aad ah u shidaysay.

Dabkan oo si xawli ah u socday ayaa waxa uu markii dambe gaadhay Guryo Bangalooyin ah oo ku yaala nawaaxiga aqalka Martida ee Caasimadda Hargeysa oo ku yaala Koonfur/Galbeed ee magaalada.

SOMALILANDPOST.NET