Hargeysa: Jidka ugu Casrisan Caasimadda Hargeysa oo Dhismihiisa la bilaabay iyo Maayarka Sharraxaad ka bixiyey Qorshaha lagu Hirgelinayo

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Hoose ee Hargeysa, ayaa xalay bilowday dhismaha Jidka Laamiga ah ee Xaafadda 150-ka ee woqooyiga Hargeysa, kaas oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey carro-tuul iyo binneyn ku socotay.

 

Jidka 150-ka oo ah waddada ugu ballaadhan Caasimadda Hargeysa, ayaa la qorsheyeey in laga dhigo Jidka ka kooban Afar Haad, iyadoo dowladda Hoose kaalin oo taageero dhaqaale ka helaysa xukuumadda Dhexe isla xalayba bilowday dhismaha Laamiga jidkan.