Hargeysa: Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal iyo Isimo la socda oo Booqday Dugsiga Agoomaha ee Kuwait iyo Arrimo ay ka hadleen

 

Hargeysa (SLpost)- Wefti isugu jira madax-dhaqameed iyo wax-garad ka socda dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo shalay dalka soo gaadhay, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku maray Dugsiga Agoomaha magaalada Hargeysa ee ay dhistay dowladda Kuwait.

Ujeeddada socdaalka weftiga madax-dhaqameedka ah ee DDSI ayaa ah sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen xaaladda iyo qaabka uu u shaqeeyo Dugsiga Agoomaha ee Kuwait oo la qorsheeyey in noociisa oo kale laga hirgeliyo magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxa weftiga Xarunta Dugsiga Kuwait ee magaalada Hargeysa ku qaabilay isla markaana casho-sharaf ugu sameeyey maamulka sare hay’adda African Relief Ustaad cabdiraxmaan Macalimow, Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan) oo ka mid ah aasaasayaashii hay’adda iyo Maamulka Dugsiga Kuwait.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil Waal oo hoggaaminayey weftiga madax-dhaqameedka DDSI, ayaa soo-dhawaynta lagu qaabilay uga mahad-celiyey maamulka hay’adda African Relief iyo maamulka dugsiga Agoomaha Kuwait. Waxa kale oo garaadku dowladda Kuwait uga mahad-celiyey Xarumaha waxbarashada iyo farsamada gacanta lagu barto ee ay ka hirgeliyeen dhulka Soomaalida oo magaalada Hargeysa ugu horeyso, waxaanu ku boorriyey inay dhismaha xarumahan oo kale gaadhsiiyaan deegaannada kale ee Soomaalida.

Garaad Bashiir Garaad Makhtal oo isaguna kulanka ka hadlay, ayaa waramay muhiimadda waxqabadyada ka socda Xarunta Dugsiga Agoomaha ee Kuwait intii ay ku gudo-jireen kormeerka indho-indhaynta ah ee dugsiga ay ku mareen.

Waxa uu Garaadku sheegay in qorshaha ah in dugsiga Agoomaha ee Kuwait laga hirgeliyo magaalada Jigjiga ay ku dhalisay iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood iyo xidhiidhka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada shacab ee DDSI iyo Somaliland.

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu Salmaan) oo ka hadlay kulanka casho-sharafta ah, ayaa ka war-bixiyey dedaalladii loo sooo maray hirgelinta in Dugsiyada Agoomaha Kuwait laga sameeyo Somaliland. Waxa uu Suldaanku mahad-gaar ah u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle oo uu sheegay inuu sabab u ahaa in mashruuca dugsiyada Waxarasho kheyriga ah ee Dowladda Kuwait la keeno ama laga hirgeliyo Geeska Afrika.

Suldaan Abu Salaam waxa kale oo uu bogaadiyey iskaashiga u dhexeeya labada dowladood ee DDSI iyo Somaliland oo uu xusay inuu sidii hore ka wanaagsanaaday intii uu xilka qabtay madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar.

Maamulayaasha Qayta Farsamada Gacanta iyo Qaybta Waxbarashada oo dugsigu u qaybsan yahay, ayaa xubnaha weftiga madax-dhaqameedka ah sharraxaad ka siiyey qaabka ay u shaqeeyaan.

Warkan oo muuqaal ah ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net