Hargeysa: Dhisme Ganacsi Oo La Daah-furay Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Oo Hadallo Ka Jeediyay

Hargeya, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka xisbigaas iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa xadhiga ka jaray dhisme ganacsi oo casri ah, kaasoo laga hirgeliyay caasimadda Hargeysa.

Munaasibad lagu qabtay xaruntaas oo loogu magic-daray Iimaan ayaa waxa ka qayb galay hal-doorka mujtamaca intiisa badan, kuwaasoo isugu jiray culimo-awdiin, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo abwaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhismahan oo isugu jira qaybo kala duwan oo ganacsi, sida dukaamo waaweyn, huteello cunto iyo kuwa hurdo iyo sidoo kale guryo loogu talo-galay seexasho oo ay ku lamaan tahay adeegyo kale oo dheeraad ah ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa ugu duceeyay mulkiilaha ganacsigaas maal-gashaday oo lagu magacaabo Cabdirashiid Muuse Iimaan in Illaahay u barakeeyo.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada dalka, iyagoo ugu baaqay dadka hantida haystaa inay maal-gashadaan dalkooda.

Guddoomiyaha hay’adda la-dagaalanka AIDS-ka Pro. Cabdi Cali oo ka hadlay munaasibadaas ayaa ka warramay faa’iidooyinka maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirka horumarinta gobollada bariga Somaliland Cali Maxamed (Sandule) ayaa ku hambalyeeyay mulkiilaha ganacsigaas bilicda iyo horumarka uu kusoo kordhiyay caasimadda. “Waa hotel-ka nabadda lagu fulin doono, mulkiilaha abtiyaashiina way soo hiloobayaanoo way ku dayan doonaan, mar hadduu hotel u dhisay.” ayuu yidhi wasiir Cali Sandulle.

Gebagabadii munaasibaddaas lagu furay xarunta ganacsi ee cusub waxa hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku bogaadiyay muwaadinka hirgeliyay ganacsigan isagoo xusay inuu soo kordhin doono horumar la taaban karo.

Sidoo kale waxa uu Muuse Biixi Cabdi ka hadlay hanaanka horumarineed ee caasimadda Hargeysa iyo sida ay bulshada ku dhaqani ugu siman tahay ka qayb qaadashada hirgelinta horumarkeeda. waxaanu yidhi. “Hargeysi waa magaalo qudha laba Hargeysi ma jiraan, Hargeysi waa qof keli ah, qofkuna haddii far yaro xanuunto wuu wada xanuusadaa, ma suurtoobayso in Hargeysa dadka ku nool ay qolana biyo hesho, qolana ay biyo waydaa, Hargeysi marbay biyo wada helaysaa, Hargeysi marbay horumar wada helaysaa, Hargeysi wax la kala qaybiyo maaha, laakiin qolaa imika soo baxday in saxaafaddu ay cid walba makarafoonak u dhiibaan, daku way iska jecel yihiin inay is-daawadaan, aroortii nin weliba wuxuu isku eegaa muraayadda, barigii hore hablaha oo qudha ayaa isku eegi jiray ayaa la yidhi, laakiin imika odayaashaa ugu daran, cirraduu iska rifayaa, wuu yar madoobaynayaa, tayguu yar giijinayaa, markaa dadkii wuxuu helay muraayad meel walba laga daawanayo waa inuu tv-ga tagaa oo uu hadlaa.”

Dhismahan loogu magac-daray Iimaan oo uu ku lamaan yahay hotel la yidhaahdo Golden ayaa noqonaya mid wax weyn ka tara baahiyaha dhinaca hoyga, kuwaasoo ay cidhiidhi kala kulmi jireen dadka xilliga xagaaga kusoo guryo-noqda, waxaana muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay maalgeshiga muwaadiniinta Somaliland ee dhinacyada ganacsiga.

Somalilandpost.net