Hargeysa: Ciidamada Amaanka oo Gacanta ku dhigay Gaadhi loo Adeegsaday Dilka Marxuum Meykiisa laga helay Naasa-hablood iyo baadigoobka dadkii ka dambeeyey oo socota

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan gaadhi lagu tuhunsanaa in lagu fuliyey dilka Marxuum todobaadkan Meydkiisa laga helay agagaarka Buuraha Naasahablood ee Duleedka Woqooyi-Bari ee Caasimadda Somaliland.

Alle ha u naxariistee Marxuumka Meydkiisa laga helay agagaarka Naasahablood oo lagu magacaabis jiray Nuur Muuse, ayaa Meydkiisa shalay lagu aasay magaalada Hargeysa, kaddib baadhitaanno lagu wado muddo laba maalmood ah.

Booliska-Somaliland1Baabuurka oo lagu tuhmay inuu La socday Marxuumka, waxa ciidamada ammaanka ka caawiyey dad shacab ah, sida ay Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola hawl-galka Ciidamadu ammaanku u galeen baadi-doonka fal-dambiyeedkan, iyada oo ilaa immika lagu daba-jiro dadkii falkaas geystay oo aan gacanta lagu haynin.

Warku waxa uu intaas ku daray in Gaadhigan oo ah nooca loo yaqaan Indha-cadde ay ciidamada Ammaanku shalay galabnimadii ka heleen isagoo yaala agagaarka Masjid Jaamaca Hargeysa, waxaana isla markiiba loo kaxeeyey isla markaan la geeyey xarunta dembi baadhista CID-da Hargeysa.

Qabashada gaadhigan ayaa la sheegay inay ka dambaysay baadhitaanka kiiska Dilka loo geystay Marxuum Nuur Muuse oo ahaa Darawallada gaadiidka yar-yar ee gudaha magaalada ka ganacsada, kaas oo markii meydkiisa la helay lagu arkay Dhaawacyo Jidkiisa loogu geystay Toorrey lala dhadhacay oo markii dambe sababtay inuu geeriyoodo, kaddib badhitaano lagu sameeyey Meydka Marxuumka oo labadii maalmood ee u dambeeyey yaallay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Dadkii ka dambeeyey falkan, ayaan ilaa immika suurta-galin in gacanta lagu dhigo, haseyeeshee gaadhiga lagu xidhiidhiay in falka dilka loo adeegysaday, ayaa la filayaa inuu ibo-fur u noqday helitaannka gacan-ku-dhiiglayaashii dilka geystay.

Tilmaamaha gaadhigan ayaa sida la sheegay ciidamadu ku ogaadeen xog-waraysiyo laga qaaday dad shacab ah oo deggen agagaarka goobta Meydka laga helay,  waxaana la sheegay in wixii maalintaas ka dambeeyey uu gaadhigaasi yaallay goobta shalay laga helay, sida ilo-wareedyo u dhuun-daloola xogo ka baxay baadhitaanka la sameeyey ay u xaqiijiyeey Wargeyska Himilo.

Ehelka Marxuumka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo aanu isku-deynay inaanu la xidhiidhno xalay, ayaan noo suurta-galin.

Magaalada Hargeysa, ayaa mararka qaarkood laga helay meydadka dad aan la aqoonsan ciddii dishay, mana jiraan natiijada baadhitaanno ka soo baxa laamaha Ammaanka oo la shaaciyo inta badan.

@Himilo Newspaper