HARGEYSA: Baahinta Qaybta Afka Carabiga ee Telefishana Qaranka oo si Rasmi ah loo Daahfuray

Hargeysa (SLpost)- Baahin cusub oo ku baxaysa luqadda Afka Carabiga oo lagu soo kordhiyey Telefishanka Qaranka Somaliland ee SLNTV, ayaa maanta si rasmi ah loo daah-furay.

Munaasib xarunta telefishanka loogu sameeyey maanta ku dhawaaqista qaybtan Carabiga oo laga sii dayn doonayo warar iyo barmaamijyo, waxa ka qaybgalay, Wasiirrada Wasaaradaha WarfaaQfinta iyo Diinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxa Maktabadda Masaaridu ku leedahay Hargeysa, madax kale, siyaasiyiin, shaqaalaha Warfaafinta iyo marti sharaf kale.

telefishankaMaareeyaha telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas oo xafladdaasi ka hadlay, ayaa faahfaahiyey qaybta cusub ee luqadda Carabiga oo uu sheegay in ay ka qayb-qaadanayso soo noolaynta xidhiidhkii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo dawladaha Carabta oo ah mid muhiimad wayn u leh dalka, isla markaana muddadii la tijaabinayey meelo badan si wayn looga soo bogaadiyey, isagoo si gaar ah u xusay safiirka Masar u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu u sheegay in isaga iyo diblomaasiyiin kale daawadeen, kuna bogaadiyeen.

Waxa kale oo uu ku bogaadiyey tallaabadan ay ku hirgeliyeen luuqadan Carabiga Wasiirrada Warfaafinta iyo Maaliyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu sheegay inay u shaqaalaysiiyeen 7 qof oo ka hawlgeli doona baahinta qaybtan oo wararkeedu habeen walba bixi doonaan 10:00 iyo 12:00 habeenimo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada qaybtan cusub ee Af-carabigu tahay sidii wararka iyo barnaamijyada Somaliland ee telefishanku u gaadhi lahayeen waddammada Carabta, kuwaasi oo diin iyo dhaqanba Somaliland la wadaagto oo uu sheegay in dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay waqtigan la samaysay xidhiidho muhiim ah.

Wasiir Cukuse waxa uu xusay in tallaabadan ay wasaarad ahaan qaadeen tahay mid ka mid ah siyaasadda xukuumadda ee u dejisan horumarinta telefishanka Qaranka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi oo isna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey qabytan cusub oo uu ku ammaanay masuuliyiinta warfaafinta, isagoo tilmaamay muhiimada luuqadda Carabigu leedahay iyo baahida loo qabo in la horumariyo. Waxa kale oo uu Wasaaradda Warfaafinta ku bogaadiyey hirgelintii Idaacadda Qur’aanka Kariimka oo si joogto ah looga dhegaysto Qur’aanka.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md. Axmed Nuur Faahiye, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Ireland Cabdifataax Siciid Axmed, Madaxa Maktabadda Masaarida ee Somaliland, Fannaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige iyo Xaashi Muuse oo ku hadlayey afka dadweynaha, kuwaas oo dhammaantood si farxad leh u soo dhaweeyey qaybta Afka Carabiga ee lagu soo kordhiyey telefishanka Qaranka oo ay ku tilmaameen mid guul u ah dalka iyo dadka reer Somaliland.