Hargeysa: Askari Taraafik ah oo Kartidiisa ku helay Dallacsiin Madaxweyne iyo Sababta uu ku muteystay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guddoonsiiyey shahaado-sharaf askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo ay maamulka iyo ardayda Jaamacadu u aqoonsadeen muwaadin daacad u ah qarankiisa iyo shaqada uu hayo.

Madaxweynuhu waxa uu dhinaciisa ku abaalmarinayo Askarigan dalacsiin hal derejo ah askariga oo markii hore ahaa saddex xadhigle, isagoo madaxweynuhu taas jawaab uga dhigay  sida ay ardayda iyo maamulka Jaamacaddu uga markhaati-kaceen muwaadinimada iyo dedaalka daacadnimada ku dheehan tahay ee Askarigu Muujiyey.

Askari oo lagu magacaabo Maxamuud, ayaa hawl-gala Jidadka Caasimadda Hargeysa isla markaana kala haga baabuurta, ayaa abaal-marintan ku muttaystay isagoo inta badan shaqadiisa maalinlaha ah ku darsada Wax-qabad iskaa wax u qabso ah oo uu ku dayac-tiro godadka ku yaalla Jidadka caasimadda, isagoo dhagxaan ku gufeeya meelaha ay waddadu ka go’day.

IMG_2917Arrintan, ayaa soo baxday kaddib markii uu dibadda u soo baxay muuqaal Warbaahintu si qarsoodi ah uga duubtay Askarigan oo si muwaadinimo ku jirto ku guffaynaya godad iyo jeex-jeex ku samaysmay Jidka Wadnaha ee Caasimadda, gaar ahaan Is-goyska GOBOLKA ee shacabka oo ah goobta ay ku yaallaan inta ugu badan dhismayaasha hay’adaha Dowladda.

Haddaba Muuqaalkan Hoose waxaanu idinku soo gubinaynaa Billad-sharafta la guddoonsiyey Askarigan iyo Muuqaal ka tarjumaya waxa uu ku mutaystay Abaal-marinta ay Jaamacadda Hargeysa ku maamuustay.

https://youtu.be/wmj4LYxV0C0