Hargeysa: Askari loo Xidhay Dilka Gabadh Dhalinyaro ah iyo Waalidka Marxuumadda oo hadlay

Hargeysa (SLpost)- Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa fiidnimadii xalay badhtamaha magaalada Hargeysa ku dilay gabadh dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdilaahi Maxamed.

Lama oga sababta ka dambaysa dilka askarigani u geystay gabadha dhalinyarada ah, haseyeeshee Maxuumadda ayaa la sheegay in askari toogtay xilli ay maraysay agagaarka maxkamadda gobolka Maroodijeex abbaaro 8-dii fiidnimo ee xalay.

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan askarigan oo markii uu dilka geystay baxsaday, sida uu sheegay aabaha marxuumadda oo warbaahinta la hadlay.

Cabdilaahi Maxamed waxa uu sheegay in marxuumadda la dilay iyada oo saaran gaadhi ay wada-tay.

“Waxa u yimi gaadhi alaab u siday oo waddada ku siinayay, kaddib ninka askariga ah ayaa kaga soo baxay guri  ku yaalla xaafadaha ka soo horjeeda ah. Wuxuu ku yidhi ka dhaqaaq meesha sida laysheegay dabadeedna wuu dhaatay oo waxay ku tidhi, ‘gaadhigan baan alaab ka qaadanayaa” ayuu yidhi Cabdilaahi, waxaanu intaas ku daray in iyada iyo walaalayeed ka soo laabteen guriga habaryartood oo ay ku soo ciideen.

Marxuum Najma Cabdilaahi, ayaa da’doodu ahayd 22-jir, ayaa ahayd shaqaale ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, waxaanay la sheegay in dhawaan la guursaday isla markaana u diyaar-garoobaysay Aqal-galkooda.

Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku haya baadhitaanka kiiskan iyo sababta keentay inuu askari toogasho ku dilo gabadhan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net