Hargeysa: 20 Shirkadood oo ku tartamaya Mashaariic Loo fulinayo Xukuumadda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ayas maanta daah-furay tartan loo galayo mashaariic kala duwan oo loo fulinayo hay’adaha dowladda.

Mashaariicda oo ay ku tartamayaan 20 shirkadoood ayaa kala ah Agab loo doonayo xukuumadda iyo mashruuc laga fulinayo degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex.

Kulan lagu shaaciyey qarandaraasyada oo maanta ku qabsoomay xarunta guddiga, waxa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo ay weheliyaan xubnaha iyo masuuliyiinta guddiga, wakiiillo ka socda shirkadaha tartamaya iyo masuuliyiin ka socda hay’ayadaha dowladda ee mashaariicda loo fulinayo.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net