HARGEISA: Wasaaradda Waxbarashada oo Mar kale Ardayda Dugsiyada u Jeedisay Baaq ku Aaddan Qaadhaanka Dhismaha Jidka Ceerigaabo

Hargaysa (SLpost): Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheeegay in gobolada dalka iyo degmoyinkiisaba ay ka bilaabeen wajigii labaad ee sahanka tira-koobka dadka ku nool Somaliland.

Wasiirka oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu xusay in tira koobku aanu khaysan doorashooyinka ee ay ku doonayaan inay ku ogaadaan tirade dadka Somaliland. Waxaanu bulshada Somaliland u soo jeediyay inay gacan ka siiyaan hawlwadeenada ku hawlan tiro koobka.

Wasiirka oo arrimahasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan bilownay sahan lagu malo awaalayo tirade dadka heer qaran iyo heer gobolba waa mashruuc soo socday muddo, wajigii labaad ayaan hada bilownay, waji hore ayaa jiray oo lagu qeexayay goobaha, gobol walba goobo ayaa loo sameeyay, markaa wajigii labaad ayay ahayd in la tago goobihii uu soo saaray sambalka ku jiray ama intii sahanka loo cayimay ku jirtay si looga soo ururiyo xogta”.

wasiru-dawle-300x206

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “hawshaa waanu bilownay lixda gobol ba way ka socotaa si wanaagsan ayay uga socotaa meelo ayaa jira wali aan laga bilaabin, waxaanan rajaynaynaa maanta laga bilaabo hawshii oo sidaa inoogu wada socoto, waxaan fariin u dirayaa shicibka Somaliland in hawshaa qaran ee aanu wadno ee xog ururinta inay tahay shaqo lafdhabar u noqon doonta horumarkeena, waayo haddii aynaan garanan tirade dadkeena ku sugan magaalooyinkeena degmooyinkeena, goboladeena, way inagu adkaanaysaa sidii loo qorshayn lahaa adeegyada bulshada sida caafimaadka biyaha iyo waxbarashada markaa waa arrin aad iyo aad muhiim u ah horumarkeena, markaa shicib weynaha Somaliland marti uga nahay inay gacan siiyaan dhalinyarada u iman doonta ee xogta waydiin doonta, ujeedo kale oo laga leeyahay sahankaa ma jirto xogtaa ujeedadeedu waxa weeye sidii loo malo awaali lahaa tirade dadka, tiro koobna maaha wax shaqo ku leh maaha doorashooyin waxaan doonaynaa kaliya in aan ogaano tirade dadkeena iyo xaalada ay ku sugan yihiin”.

Somalilandpost.net

Hargeysa