Hargeisa iyo Timo-Jarayaasha Casriga ah – W/Q: A/Fataax

Adeegyo badan Ayaa caasimada laga hirgelinayaa,kuwo hore u Jireyna waxa lagu sameynayaa Casriyeyn iyo Cusbooneysiin hor leh,iyada oo la rabo in Nolosha iyo Adeegyada Caasimadu noqoto Mid la jaanqaadeysa Magaalooyinka Aduunka ee ay tartanka kula Jirto.Muwaadin kasta Ayaa ku dedaalaya Hirgelinta Fikrado iyo Horumar cusub gaar ahaan Ganacsiga iyo Shaqooyinka la xidhiidha intaba.Sida qudha ee Dhaqaalaha lagu kordhin karo Ayaa u muuqata in Dadku ay iyagu wadankooda u kacaan oo Qofkastaaba ku mashquulo wixii uu qaban yaqaano.

Dad badan Ayaa goobihii ay ku ganacsanaayeen Isbedelo Horumar cusub ka kiciyey,Dhulal badan oo la Dhisaayo Ayaa sababey in dad hore laga Kiciyo,Guryo iyo Wadooyinka dhinacyadood Ayaa isbedelaaya oo Fursado cusub oo kale laga hirgelinayaa kuwii horena laga Kicinayaa.Markaad Aragto qof aad Taqaaney oo Meelyar Meheradi ugu taalay Wado Dhinaceed ah, islamarkaasina La raraayo oo laga Duminaayo ama Dadkii lahaa ay ku yidhaahdaan Naga hor kaca Waxa aad dareemeysaa  in Qof shaqeysanaayey shaqadiisii laga Baabiiyey,Haddana markaad ka eegto dhinaca Horumarka iyo in dadka Wadooyinka laga Hagaajiyo Meheradahana la Qurxiyo waxa aad Jeclaaneysaa in Sidan danbe wadanku ku qurux badan yahay.

Wuxuu igu Yidhi ” Sxb Markaad Meelyar Sandaqad ka soo Jeedisaba,Mid lacag la ordaaya oo Dhulkii iibsanaaya ayaa kaa raraaya ama Dawlada hoose Ayaa Digniin bixineysa,Wuxuu ahaa Rayiisle Timojare ah oo Diidanaa Awooda Dhaqaalaha Ganacsatada qaarkood ay kula wareegayaan Dhulal banaana ama Suuqyada qaarkood oo dib la iskugu duminaayo lagana Kicinaayo Fooqyo cusub.Waxa lagu Amrey in uu ka guuro Dhisme uu hortiisa ku Jirey,Wuxuu u rarey Meheradii meel aan ka fogeyn isla meeshii oo uu meel Banaan ka helay,Haddana halkii ayaa Dhisme kale ka dilaacey oo lagu yidhi hala baneeyo.

Wuxuu ku ganacsan Jirey,Timo Jarista oo ah mid ka mid ah Adeegyada Farsamo ee Dadku si Joogta ah ugu baahan yihiin suuqooduna aanu Xumeyn.Inkasta oo uu ku Jirey Sandaqad yar,Inkasta oo ay u dhisneyd Habkii duuga aheyd ee Beri hore,Inkasta oo Qalabka iyo Agabka meesha Yaala ay ahaayeen kuwo aan tayo badan laheyn,Inkasta oo Meeshu ku yareyd,Inkasta oo Hababka Adeega Xiirista iyo Timojaristu aaney aheyn Mid casri ah ama si heersareysa loogu qanci karo,Haddana waa Rayiisle iyo Timojare loo tago Adeeg baahi loo qabo Suuqiisuna uu iska Fiicnaa.Wakhti kasta iyo Bilowga Bisha iyo Maalinkasta iyo Ciidkasta Ayey Sugaan Timo Qofka dhulka laga Dhigo.Caruurta,Dadka yaryar iyo Guud ahaan inta u dhow Ayuu u ahaa Timo Jare dhow oo la gaadhi karo.Aniga Lafteyda Ayaa Marar aan degdeg Xiirid ugu baahdo ka soo Xiiran Jirey.

Meheradaha Cusub ee Casrigan Timojarista loo Furtey Ayaa suuqii ka saarey kuwii berigii hore Bulshadu ka xiiran Jirtey.Meherado Casri ah oo Adeega timoJarista looga Helaayo si wanaagsan Ayaa Hargeisa ka Furmey.Bootarkii iyo Sidii gadhka loogu Xiiri Jirey Xunbada iyo Shaambooga oo qudha laguma Jiro weli.Meheradaha Meelo kala duwan oo caasimada ah ka furmey ee Ethiopians Ayaa wax badan badaley.Adeegyada casriga  ah ee timoJarista Qurbahana aad ku taqaaney,Meydhida madaxa,Mashiinada Muruqyada Jidhka furfura,Dawooyinka wejiga lagu Meydho ee ka roga “Pollution”,Marinta Madaxa Saliidaha lagu Duugo,iyo guud ahaan Helida Adeeg timo jaris casri ah isla markaasi Nasasho iyo wakhti aan Yareyn lagugu siinaayo ayaa ay hirgeliyeen Ethiopian Salons ama Barbers.

Waa Meel Xanuuno badan lagu kala qaadi karo oo u baahan in laga Taxadiro,Gafeedhaha,Mushiinada timojarista iyo Maqasyadaba waxa lagu gudbin karaa Cambaaro,toxobta iyo xanuuno Maqaarka sare ee qofka madaxiisa ku dhaca.Tuwaalada dadka lagu qalajiyo ayaana gudbin kara Xanuuno qofka Dubkiisa iyo Maqaarkiisa sare ee oogada ku dhaca,Makiinadaha iwm ayaa u baahan feejignaan gaar ah.Qalabadaasi oo dhan in biyo kulul lagu meydho ama rido Ayaa fiican Nadaafada iyo Caafimaadkana la ilaaliyo.Ethiopian Salons Dad badan ayaa u digo rogtey kuna Xidhan oo hadda timaha ka goosta,Qiimaha wakhtigan ee Timojarista ayaana ah mid u dhaxeeya 2$ ilaa 10$.

Isku soo wada duub Timojarayaashii hore ee Sandaqadaha ama hore ee Maanta kuwan casriga ahi suuqa ka saareen iyo Ninkii meesha laga raray ee Raadinaayey Meel banaan oo u dego ama laga kireeyo si uu mar saddexaad Meheradii u furo Farsamadiisana ugu shaqeysto waxa aynu u rajeyneynaa in ilaahey la qabto nolosha hadba meel taagan.Ururka Midnimo ee Rayiislayaasha qaarkoodna Astaantoodu waa Maqas,Mashiin iyo Makiinad 3M.

Dadkii wax laga Weydiiyey Raysal wasaaraha Cusub ee Talyaaniga waxa ku Jirey Rayiislihiisa Timaha u xiiri Jirey oo Shakhsiyadiisa ka waramey,Sidaasa dadka timaha u jaraa ay u yihiin kuwo la barto oo lala sheekeysto inta ay timaha kuu xiirayaan.Shaqaale Xabashi Muslin ah oo ka hawlgala Timojaraha aan ka xiirto wakhtigan oo ku Yaala ka soo horjeedka Nani Gym ayaa markaan imaado si wanaagsan isoo dhaweeya iiguna Adeega Todobaakii Hal mar.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com