Shirkadda Dahabshiil oo caddaysay in Macluumaad-koodu Xafidan yahay, Sharcigana la tiigsanayaan Ciddii ka dambaysay Dacaayad laga baahiyey

Hargeysa  (Slpost)- Shirkadda Dahabshiil ayaa mar kale beenisay dacaayado ay qaar ka mid ah shabakdaha Wararka Soomaalidu ka faafiyeen maalmihii la soo dhaafay, kaasi oo ku saabsanaa in la jabsaday keydka Xogta shirkadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Shirkaddu ku leedahay magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in system-ka shirkadda Dahabshiil ku shaqayso yahay mid aammin ah oo aanay waxba soo gaadhin isla markaana hawlihii shirkaddu macaamiisheeda u qaban-jirtay sidoodii uga socdaan meel kasta.

War-saxaafadeedka Shirkaddu soo saartay waxa lagu sheegay in xogta lagu baahiyey mareegaha Internetka qaarkood ay tahay mid been abuur ah, kooxda dacaayadda shirkadda ka baahisayna ay sharciga la tiigsan doonaan.

War-saxaafadeedka Shirkadda oo dhammeystiran ayaa u dhigan sidan:

“Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah Shirkadda Dahabshiil. Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sano ah.

Hore waxa shirkaddu u saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waantoobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara.

Waxa kale ay rabaan in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu Dahabshiil ka midka yahay, iyadoo aanu ka foojiganahay isla markaana aanay u suurto-galayn damacoodaasi.

Sidaa darteed:

1. Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga ahayd ee looga bartay u socoto.

2. Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.

3. Waxa aanu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.

4. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.”