Hanti-dhowrka Qaranka ee Baadhitaan ka bilaabay Wasaaradda Warfaafinta

Hargeysa (SLpost)- Hanti-dhowr Guud ee Qaranka ayaa shalay subax hawl-gallo baadhis ah ka bilaabay xafiisyada maamulka lacagta iyo qorsheynta wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Hawl-wadeenno uu hoggaaminayo Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Cabdi (Maxamuud-dheere), ayaa la sheegay inay shalay subaxnimadii ay waraaqo digniin ah ku dhejiyey Xafiiska Maamulka iyo lacagta ee waaxda Idaacadda, Xafiiska Maamulka iyo Lacagta ee Telefishanka Qaranka iyo xafiiska qorsheynta ee Wasaaradda, kuwaas lagu sheegay inaan la geli karin isla markaana wax hawlo shaqo ah laga fulin karin ilaa inta ay dhammaanayso baadhista Hanti-dhowrku.

Warku waxa uu intaa ku daray inay Xubnaha Hanti-dhowr ee uu hoggaaminayey Masuulkooda u sarreeya ay xafiisyadaas ka qaateen dokumentiyo ka dib markii ay yimaaddeen masuuliyiinta xafiisyadaasi.

Hawl-galka Hanti-dhowrku ku baadhayo wasaaradda Warfaafinta ayaa sida warar xog-ogaal ahi sheegayaan, yimi ka dib markii ay wasaaraddu ka dalbatay kharashaad dheeraad ah oo ka baxsan miisaaniyadda Wasaaradda taas oo la sheegay inay ku dalbadeen hawlaha ballaadhitan barnaamijyada iyo kicinta idaacadda Cusub iyo adeegyada kale, waxaana arrintaas, sida la sheegay, ka biyo-diiday Madaxtooyada Somaliland oo dalabka kharashaadka dheeraadka ahi kaga yimi wasaaraddaas.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale, ayaa ka biyo-diiday hawsha baadhiseed ee hanti-dhowrka isaga oo ku dooday in Hanti-dhowrku hawshiisa bilaabay iyada oo aan la soo ogeysiin baadhitaanka lagu galay wasaaradda uu masuulka ka yahay.