Hanti-dhowraha Guud ee Qaran oo ka hadlay baadhitaan uu ku sameeyey Lacago wasiirka Macdanta & Tamarta lagu eedeyey inuu lunsaday

Hargeysa, (SLpost)-Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (M.dheere) ayaa ka hadlay lacag lagu eedeeyey inuu lunsaday wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland taas oo dhalisay khilaaf ka dhex aloosma isaga iyo wasiirka Maaliyadda. Hanti dhowraha Qaranka Md. Maxamuud Dheere waxa uu faahfaahin ka bixiyey baadhitaan ay ku samaayeen lacag ku dhow laba boqol oo kun oo Dollar oo ay Wasaaaradda Macdantu ay ka heshay shirkado shidaal oo ajaanib ah. Md. Maxamuud Dheere waxa uu sheegay Lacagtan oo ahayd USD1,75000 oo Wasaaradda Macdanta iyo biyuhu ka heshay shirkadahaasi Shidaalka oo wasiirka maaliyadu ku dacwiyey in lagu shubo Qasnada dawlada, balse wasiirka Macdantu diiday inuu ku shubo, waxana uu hanti-dhowraha guud Intaasi ku daray inay Lacagtaasi martay dariiqii sharciga ahaa ee loogu tallo-galay. Arimhaasina waxa uu Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Somaliland kaga hadalay shir-jaraaid uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxana isagoo arrimaha ka hadlaya yidhi“Waxa jirtay baadhis nooga socotay wasaaradda Macdanta iyo biyaha, gaar ahaan baadhis ku saabsan lacago wasaaradda ka soo gaadhay laba shirkadood oo dibada ah, haddii aanu baadhnayna lacagahaasi waxa ay ku salaysnaayeen heshiis dhex maray Wasaaradda oo dawlada Somaliland matalaysa iyo shirkadahaasi, heshiiskaasina waxa uu ahaa mid hore oo ahaa 2009-kii, hase ahaatee dib ayaa loo soo nooleeyay, heshiiskaasi oo ahaa mid shirkaduhu hawlo gaar ah ayay kaga qabanayeen Somaliland ama ay ka eegaan ahayd, waxa jirta shirkad la yidhaahdo Aztana oo shidaalka ku shaqo oo mudadaa hore ee 2009-kii heshiiska lala galay, haddana dib loo soo cusboonaysiiyey, shirkadaasi hawlaha ay dalka ka qaban doonto inta aanay u soo cago-dhigan waxay ahayd inay wasaaradda siiso waxa la yidhaahdo (Capacity building) ama teyeyta wasaaradda sida tabobaro shaqaalaha ah iyo dhinaca isgaadhsiinta ama gaadiidka, lacagtaasina shirkadu way bixisay, lacagtaasina waxay ahayd lacag jeegag ah oo ku qoran magaca wasaaradda, wasiirka macdanta iyo biyuhuna jeegagii waxa uu ku wareejiyey baanka dhexe ee Somaliland, saddex jeeg ayay ahaayeen oo isku noqonaya 1,75000 Dollar, jeegaggaana waxa qabtay Guddoomiyaha baanka dhexe Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyaha baankuna jeegagii wuu sarrifay, xisaab wasaaradda baanka uga furan ayayna ku dhacday, markii aanu baadhis samaynayna $ 50,000 dollar waxay ku jirtaa baanka, intii kale waxay ku baxdayna waanu helay, waxayna ahayd mid waafaqsan heshiis lala galay labada shirkadood ee kala ah Aztana Oil iyo Ophir Energy, markaa lacagtaasi xisaabteedu si fiican ayay ku dhamaatay, markaa waxaanu umadda Somaliland u cadeynaynaa in lacagtaasi wasaaradda u soo gashay si waafaqsan heshiiskii Somaliland iyo shirkadaha.”Ayuu yidhi Md. Maxamuud Dheere.

Hanti Dhowraha Guud oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha hawlahooda baadhiseed oo ay Warbaahintu weydiiisay, waxa uu yidhi, “Baadhistayadu hoos umay dhicin ee baadhitaanadii hore ayaa dheeraaday, waayo baadhistu ma fududa oo marag muujin cad-baa loo rabaa, maxkamad-baa loo rabaa oo cadaalad-baa loo rabaa, markaa anagu runtii maanaan gaabin.”

Hanti-dhowraha oo mar wax laga waydiiyay dad muddo dheer u xidhan isla markaana aan wali wax Dacwad ah lagu soo hor Oogin  Maxkamadaha ayaa ku jawaabay “Anaga qofku waxa uu noo xidhnaadaa 45 maalmood oo aanu ku dhamaystirno dacwadiisa oo aanu gudbino, dacwado socda hadda way jiraan oo kuwii Burco way socdaan, hase-yeeshee wakhtiga waxa qaata qofka oo difaac dheer diyaarsada iyo anaga oo dood dheer keena iyo Marag muujin oo wakhtibay qaadataa, laakiin haddii uu nagu muddo dhaafo qofka xidhan dibada ayuu u soo baxayaa.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo sharaxaya baadhitaan ay ku wadaan dawlada hoose ee Hargeysa “Dawlada Hoose ee Hargeysa muddo dheer ayaanu baadhaynay imikana meel gabo-gabo ah ayay noo maraysaa oo ka hor-dhici maayo, Gobolka Saaxilna baadhis ayaa nooga socota Saddex maalmood, xukuumadda dhexena saddex baadhisood ayaanu ka wadnaa.”

Maxamuud Dheere oo la waydiiyay khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka maaliyadda ayaa yidhi, “Wasaaradda Maaliyadu waa halbowlaha dhaqaalaha dalka, waa run waanu iska hor-nimid wayna fiicnayd inaanu iskaga hor-nimaadno oo aanu hawlaha isku qabano, laakiin aniga cid xidhan oo u xidhan wasaarada maaliyadda oo I soo gaadhay ma jirto kamana jawaabi karo.”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net