Hanti-dhawraha Guud Oo Beeniyay War Uu Ka Qorey Wargeyska Waaheen

Hargeysa, (SLpost)- Hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere), ayaa jawaab ka bixiyay war uu baahiyay wargeyska madaxa banaan ee Waaheen, oo shalay qorey in xafiiska hanta-dhawraha guud uu gabay gudashada masuuliyadda balaadhan ee qaranku u igmaday.

Maxamuud-dheere oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale uu sheegay in baadhitaanno kala duwan ay ka sameeyeen gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, kuwaasi oo qeyb ka ah sidii ay u xaqiijin lahaayeen ka midho dhalinta waajibaadkooda qaran ee dastuuriga ah.

“Wargeyska la yidhaahdo Waaheen cadadkiisii 21-kii July 2015,  wuxuu qoray   in hanti dhawrka guud ee qaranku shaqadiisu fadhiid tahay, runtii waxaad moodaa in aanu xogogaal u ahayn shaqadayada, mana garanayo sidaanu shaqada u qabanno, intii aanu hawl soo qabanay intii ugu badnayd bay ahayd saddexdii todobaad ee la soo dhaafay oo todoba Degmo baanu tagnay, dhawr goor gobol baanu tagnay  oo baadhitaan culus baanu wadnaa, laakiin baadhitaankayaga kama sheekayno,”Ayuu ku dooday Hanti-dhawraha Guud,

Maxamuud Dheere waxa uu xusay in nidaamka iyo shaqadda xafiiskiisu isku dubo-dhacsan tahay, waxaanu yidhi  “Warbaahintana uma soo bandhigno, waxqabadkayaguna maaha mid iyagu Faafinayaan. Xafiisku waa mid dhisan oo nidaamkii uu hawsha u qaban lahaa iyo habkii uu baadhista u qaban lahaa iyo noocyada uu baadhitaanka siduu u kala qabtaa waa wax  qorsheysan  oo hore loo dejiyay oo soo jireen ahaa.”

Hanti-dhawraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi  waxa uu intaas ku daray “Lixidii bilood ee ugu dembeeyay waxay ahayd lixdii bilood ee xafiisku ugu mashquulka badnaa, sida aan idiin sheegay oo gobolada iyo Degmooyinka aanu u kala baxnay oo baadhisiuhu socdaan, markaa waxaad moodaa in aanay aad wax ugu fiirsan wargeyska WAAHEEN, ama aanay xogogaal badan ahayn. Warka ay sheegeenna war xaqiiq ah maaha.”