Hanka Muj. Muuse Biixi, la wareegii Hoggaanka Xisbiga iyo kala Hayaanka Kulmiye!! – W/Q: Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr

engMuran iyo is-maandhaaf ka dhex aloosma Xisbiyada Siyaasadda dalka JSL dhexdooda (ha noqdo Xisbul Xaakim ama Mucaaride) maaha wax ku cusub Ummadda Jam. Somaliland. Maaha markii ugu horraysay ee Xisbi Talada Dalka hayaa ay dhexdooda is qab-qabsadaan. Muran iyo is-maandhaaf ka qarxa Xisbal Xaakimka dhexdiisa waxa horseed iyo hormoodba ka ahaa Xisbal Xaakumkii talada dalka wareejiyey ee UDUB, taasoo nusqaan iyo naafo weynba ku noqtay geeddi socodka iyo hana-qaadka hannaanka dimuqraadiyadda ee bulshada JSL ay hiigsanayeen.

Guushii uu Xisbiga Kulmiye gaadhay iyo hanashadii hoggaanka dalka kadib, dad badan oo siyaasadda u dhuun daloola ayaa waxay ku doodi jireen in Xisbiga Kulmiye uu leeyahay mustaqbal siyaasadeed oo wacan maadaama uu cagta saaray dariiqii uu muddo dheer ku hoggaamin lahaa loollanka siyaasadda ee dalka hooyo. Dad baa iyaguna aaminsanaa in ay dhici karto in la wareegitaanka talada dalka ee Kulmiye, haddii heshiis lagu noqon waayo qaabka loo qaybsanayo xubnaha iyo xilalka Xukuumadda oo ay baarqabka reer Kulmiye iska dhex arki waayaan xilalka dawladda, inay taasi horseedi doonto ismaandhaaf, wax kala jiidasho iyo tabashooyin qoto dheer oo xisbiga dhexdiisa ka dhasha, taasina ay noqon karto bilowgii tafaraaruqa iyo jaah-wareerka Xisbal Xaakimka. Arrintu si kastaba ha ahaatee waxa kale oo iyana jirtay in dad siyaasadda falan-qeeyaa ay ka sii saadaaliyeen guusha iyo guuldarrada uu Xisbiga Kulmiye la kulmi doono inay ku xidhnaan doonta labadan arrimood ee is barkan:

1)      Horumarka iyo hannaanka dawladnimo ee ay la timaado Xukuumadda Kulmiye, ka rumaynta ballan-qaadyadii buuggii cagaarnaa ee Xisbiga Kulmiye iyo kolba siday ugu hawl gasho danta guud ee dadka iyo dalka.

2)      Kolba ciddii qabata hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo hannaanka maamulka, himilada, hab-dhaqanka, samirka iyo dulqaadka uu la yimaaddo hoggaamiyaha cusub ee Xisbigu.

XISBIGA KULMIYE wuxuu ahaan jiray Xisbi Qaran oo mug iyo miisaanba leh, wuxuu ahaa Xisbi salka ku haya sooyaalka iyo raad-raaca taariikhda halgankii ummadda, wuxuu ahaan jiray Xisbi ku gaashaaman aqoon, karti iyo hal adaygnimo. Wuxuu ahaa Xisbi waayo arag ah oo in ka badan 7 sano ahaa mucaarid aad u mayal-adag, wuxuu ahaa Xisbi leh xeer iyo xaagaan uu ku dhaqmo, oo dhaqan u lahaa is tix gelin, talo wadaag iyo isu tanaasul. KULMIYE wuxuu ahaa Xisbi lahaan jiray hoggaan iyo hab maamul oo isku kalsoon oo ay hagaan hadaf iyo himilo siyaasadeed oo cad. Arrimahan iyo kuwo kale oo badaniba waxay ahaayeen kuwii saldhigga u ahaa Guushii Taariikhiga ahayd ee Xisbiga Kulmiye ka soo hooyey doorashadii tartanka madaxweynennimada ee 26-kii Juun 2010-kii. Wuxuu ahaa Xisbi ay wax walba u dhan yihiin oo Hoggaankiisii, Guddidii fulinta, Golihiisii Dhexe ay dhammaanba dhisan yihiin oo weliba lahaa Taageerayaal aan Qiyaas lahyn, isla markaana gaadhay guul taariikhi ah gacanta midigna ku dhigay hoggaanka iyo talada dalka.

Xisbiga sifahaa leh ayuu Muj. Muuse Biixi Cabdi kala wareegay M/weyne Axmed Siilaanyo 28.08.2010.

Haddaba, muran kama taagna oo waa arrin ay ummadda JSL oo dhammi markhaati ka tahay muranka iyo loollanka ka jira Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, way caddahay in dib u dhac weyni ku yimi Xisbigii KULMIYE ee loo hanweynaa, balse su’aalaha u baahan in la is weydiiyo waxa weeyi:

  1. Siday ku dhici kartaa in Xisbi Qaran oo muggaa iyo miisaankaa lihi uu muddo kooban si fudud u lumiyo haybaddii iyo karaamadii ay Codbixiyeyaashu huwiyeen?
  2. Siday ku dhacday in Xisbi miisaankaa leh oo ah Xisbul Xaakim, Xukuumaddiisuna ay ku tallaabsatay horumar iyo guulo la taaban karo inuu haddana maarayn kari waayo muranka iyo is-maandhaafka ragaadiyey ee hadheeyey dantii guud ee ummadda iyo horumarkii ay la yimaadeenba??
  3. Siday ku dhacday in Xisbi Qaran oo haya hoggaanka dalku uu dib ugu noqdo hab-beeleed, halkii laga filayey inuu ambaqaado nidaamka dimuqraadiyadda ee codbixiyeyaashu ay Xisbigan laftiisa ugu hiiliyeen ee ay codkooda ugu deeqeen?

 

Si aynu jawaab ugu helno su’aalahan waxaa lagama maarmaan ah inaynu si kooban dib ugu yara milicsanno taariikhda Xisbul Xaakimka KULMIYE.

Loollanka iyo is-muquuninta ka dhex jirtay Xisbiga KULMIYE ma aha wax cusub oo Shirweynihii 1-aad (Feb. 2003, Xarunta Shaqaalaha) iyo kii 2-aadba (March 2008, City Plaza, Burco) waxa Xisbiga dhexdiisa ka dhacay loollan iyo is-riix adag oo ay rag badan oo miisaan lahaa Xisbiga kaga cadhoodeen welina sidii bay uga maqan yihiin.

Guushii Kulmiye ee doorashadii Madaxweynaha 26th June 2010-kii, Madaxweynaha la doortay waxa uu markiiba bilaabay inuu dhiso xubnihii xukuumadda cusub. Inkasta oo uu Muuse Biixi si weyn u doonayey una naawilayey inuu ka mid noqdo Golahii wasiirrada ee Xukuumadda cusub, oo uu weliba qoondaystay inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda ama Arrimha Gudaha ee Xukuumadda Axmed Silaanyo, balse nasiib darro wuu iska dhex waayey Xukuumaddii Kulmiye ee cusbayd.

Xukuumaddii la dhis, Muuse Biixina iska dhex waa. Dabadeed wuxuu Muuse is yidhi bal Wasiirnimadii ku dhaaftee ayaanu Xisbiga uuni ku seegin. Sidaasuu Xisbigii Kulmiye gacanta ugu galay Muuse Biixi oo uu kagala wareegay Madaxweynahii la doortay, bil kadib markuu hoggaanka dalka qabtay. Waxaa si cad u muuqatay in Muj. Muuse Biixi, hore iyo dambaysaba, waxa kaliya ee uu ka fikirayey ay ahayd dantiisa hankiisa siyaasadeed ee isaga u gaarka ah balse marnaba kamuu fikirin danta iyo wada-jirka Xisbiga. In kasta oo la yidhaahdo Siyaasaddu ma laha saaxiib joogto ah, balse waxay leedahay dano joogto ah, haddana Muj. MBC marnaba ismuu weydiinin su’aashan: Xisbul Xaakimka imikuun kursiga ku guulaystay, maxaa Xisbiga iska bedali doona haddii si deg-deg ah loogala wareego hoggaamiyihii ay codbixiyeyaashu daraadii codka ku siiyeen Xisbiga ee guusha dhaliyey(M/weyne Silaanyo)?

Dhinaca kale, waxa laga yaabaa in Muuse Biixi uu aaminsanyahay in guushii Xisbiga Kulmiye kaddib ”aan sidii uu ugu lisay aan loogu hambaynin”. Waxa kale oo iyadna suurtogal ah in Muuse Biixi, saaxiibadii iyo taageerayaashiisuba ay filayeen marka Muuse Biixi Xisbiga la wareego in arrin iyo adduunba lala garab joogi doono, Xisbiga iyo hawlihiisuna ay sidoodii iyo si ka sii wanaagsan ay ahaan doonaan aanay isaga keli ku noqon doonin.

Xisbiyada siyaasiga ah ee waqtigan casriga ah, guusha iyo guuldarrada Xisbiga waxa doorweyn ka qaata waa Hoggaamiyaha, shakhsiyaddiisa, taariikhdiisa iyo sumcadda uu bulshada dhexdeeda ku leeyahay. Dad badan baan iyagu Xisbiga ku dooranin barnaamijka siyaasadeed ee uu Xisbigu leeyhay balse ku doorta ama kaga leexda Hoggaamiyaha Xisbiga. Sidaa darteed, dabeecadda, daacadnimada, dad la dhaqanka iyo dulqaadka hoggaamiyuhu waa astaamo lagama maarmaan u ah jiritaanka Xisbiga iyo soo jiidashada codbixiyeyaasha.

 

“Qalad inaad gashaa hadday Qaalib kuu noqoto,

ood Qaladadaadii badnaa Qalad ku taageerto,

Qaladyo aan la sixin bay dhashaa kaana qara weyne.”

Maxamuud Cabdi Cali (Ducaale)

 

 

La soco Maqaalkan Qaybihiisa Dambe………(INSHA ALLAH)

 

W/Q: Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |Birmingham, United Kingdom|