Hanka iyo Hoggaaminta Muuse Biixi iyo kala Hayaanka KULMIYE! (Qayb. 3-aad)

Eng Hussein Adan EgehSCWW, marka hore ILAAHAY BAA MAHAD IYO MUDNAAN OO DHAN ISKA LEH.

Waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin baaxad leh uga soo dirayaa M/weynaha JSL Axmed M.M. Silaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi anoo ku hambalyeynaya aaqbalaada ay aqbaleen go’aannadii iyo talooyinkii ay soo jeediyeen Guddidii dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtidu. Waxa kale oo aan si gaar ah u hambalyeynayaa cid kasta oo u gurmatay, ama ku guntatay, ama ka gar-naqday, ama gacan ka geysatay inuu soo af-jarmo khilaafkii cakirnaa ee ka dhex aloosnaa labada dhinac ee ka wada tirsan Xisbal Xaakimka.

HORDHAC:

Xaasha, marnaba kama xumi kamana soo horjeedo Hanka iyo Hadafka M/weynenimo ee Muj. Muuse Biixi Cabdi. Xaq buu u leeyahay inuu damaciisa shirrabo, aad baanan u soo dhawaynayaa. Dhinaca kale, ka rumaynta iyo ka-rumyn-la’aanta himiladaa Muj. Muuse Biixi waxay ila tahay inay ku xidhantahay arrimaha ay ka mid yihiin: calaf, nasiib, waqtiga iyo wadciga siyaasadeed oo saacida; dulqaad, sabir iyo daacadnimo uu muujiyo; degenaansho, dedaal iyo hawl-karnimo uu la yimaado; muruq, maal iyo maskax uu u huro.

Aniga dareenkayga ii gaarka ah waxaan is leeyahay mashaakilka xagga siyaasadda Xisbiga ah ee la soo darsay Muj. MBC, dhalliisha badankeeda waxaan u arkaa inuu isagu leeyahay. Mujaahidku wuxuu dayacay fursadihii uu kaga rumeyn lahaa hadafkiisa Madaxweynenimo, wuxuu ka gaabiyey hawlo badan oo loo baahnaa inuu Xisbiga ka qabto, wuxuu ilduufay go’aan qaadasho muhiim ahaa oo saldhig u noqon lahaa hadafkiisa Madaxweynenimo, wuxuu qaatay talooyin qaldan oo aan isaga marnaba danihiisa u adeegayn, wuxuu ku tashaday amaba la tashaday dad dano gaar ah isaga ka lahaa oo aan haba yaraatee ku habboonayn inuu taladooda qaato marka la eego marxaladaha siyaasadeed ah ee uu Muuse Biixi ku jiray.

Haddii aan Muuse Biixi ahaan lahaa, waxaan yeeli lahaa..??

Qaybtii 2-aad ee maqaalkan waxaan wax yar ka taa-taabtay Xisbigii KULMIYE ee lagu wareejiyey Muj. Muuse Biixi Cabdi nooca uu ahaa, itaalka uu lahaa iyo himilada iyo hadafka ay Bah-weynta KULMIYE hiigsanayeen markii Muuse Xisbiga lagu wareejiyey.

Qaybta 3-aad ee maqaalkan waxaan ku cabirayaa dareenkayga iyo aragtidayda shakhsiga ah. Weedha gebi ahaanba maqaalkan ina hagi doontaa waxay odhanaysaa: haddii aan Muj. Muuse Biixi Cabdi ahaan lahaa, waxaan yeeli lahaa…!!!, Waxaan ka dareen-celinayaa, haddii aan anigu Mujaahidka ahaan lahaa tallaabooyinkaan qaadi lahaa, tubtaan raaci lahaa, talooyinkaan maqli lahaa si aan uga dhabeeyo hankayga, himiladayda iyo hadafkayga Madaxweynenimo. Waa qoraal dib u milicsanaya marxalado dhawr ah oo Muj. Muuse Biixi soo maray iyo marxalad walba tallaabooyinkii loo baahnaa inuu qaado iyo go’aannadii la rabay inuu gaadho, laga bilaabo ku dhawaaqii Guushii Xisbiga Kulmiye 01/07/2010 illaa go’aankii ka Gar-naqii Guddidii Golaha Guurtida ee ku beegnaa Sabti, 07/06/2014.

 

Marxaladdii 1-aad: Guushii Xisbiga iyo Xukuumaddii la dhisay

Guushii Xisbigeygu soo hooyey ee lagu dhawaaqay 01.07.2010 kaddib, ka hor intaan la bilaabin dhismaha Xukuumadda cusub; Haddii aan Muuse Biixi ahaan lahaa, waxan yeeli lahaa: waxaan wada-hadal fool-ka-fool ah la yeelan lahaa Madaxweynaha la doortay Ahmed M.M. Silaanyo, waxaan u sheegi lahaa inaanan diyaar u ahayn inaan xil ka qabto Xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono, haddii uu isagu igu maamuusana waa ka cudur-daaran lahaa. Sababtuna waxay tahay: 1) Si aan waqti iyo fursadba ugu helo hoggaaminta iyo maamulka hawlaha Xisbiga KULMIYE gudaha iyo dibeddaba. 2) Si aanay meeshaba u imanin tabasho iyo gocasho la xidhiidha ka mid noqoshadayda Xukuumadda cusub ama aanay u noqonin mawduuc laga sheekaysto Muuse Biixi waa la qadiyey iyo maxaa loogu dari waayey!!

 

Marxaladdii 2-aad: La wareegii Hoggaanka Xisbiga KULMIYE:

In kasta oo Shirweynihii 2-aad ee Xisbiga ee ka dhacay Burco March 2008-dii, la isku af-gartay in haddii uu Xisbigu guulaysto lagu wareejiyo MBC hoggaanka Xisbiga, isagoo ka dheregsanaa duruufaha dhaqaale, kuwa bulsho iyo kuwo siyaasadeed ee Xukuumadda Kulmiye ay talada dalka kula wareegtay, isagoo ogsoonaa in Xukuumadda cusubi ay la wareegtay Dal kacay oo deyn badan lagu leeyahay, oo khasnadihiisii iyo Baankiiba ay madhan yihiin, shaqaalihii iyo ciidamadii ayna dhowr bilood mushahar qaadan; haddii aan Muuse Biixi ahaan lahaawaxan yeeli lahaa: arrinta ah in la igu wareejiyo Guddoomiyennimada Xisbiga, bal intaanan Xisbiga la wareegin waxaan talo kula noqon lahaa Madaxweynaha oo aan u soo jeedin lahaa: “M/weyne marka la eego hawsha iyo duruufaha adag ee Xukuumaddaada sugaya, waxaan gartay inaad sii yara hayso Guddoomiyenimada Xisbiga ilaa intay Xukuumaddaadu lugo isu-taagayso.”

Laakiin, haddii M/weynuhu uu ku adkaysto inuu Xisbiga igu wareejiyo,

Laakiin, haddii uu M/weynuhu ku adkaysto inuu Xisbiga igu wareejiyo, marxaladdan iyada ah, haddii aan Muuse Biixi ahaan lahaa waxan yeeli lahaa:

1)     Si Xarrago iyo Meeqaam sare leh oo xasuus reebta ayaan Xisbiga ula wareegi lahaa. Waxaan Xafladda ku soo casuumi lahaa dhammaanba haldoorka (dhan walba leh) ee Bah-weynta iyo Taageerayaasha reer KULMIYE ee Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

2)     Waxaan Munaasabaddaa ka hor akhriyi lahaa Khudbad dheer oo taariikhi ah oo aan ku hoga-tusaalaynayo hankayga Madaxnimo iyo siday iiga go’an tahay inaan himilada iyo hadafka Xisbiga halkiisii ka sii wadi doono.

3)     Isla madashaa waxaan Golaha Dhexe ee Xisbiga ka dalban lahaa inay si deg deg ah Shir aan caadi ahayn isugu yimaadaan, maadaama oo uu Guddoomiyihii Xisbigu noqday Madaxweyne, dabadeedna waxaan ka dalban lahaa (haddii uu sharcigu ii oggol yahay) inay guddoomiyenimadayda u bedelaan mid rasmi ah.

4)     Waxaan madashaa ka sheegi lahaa qorshe iyo nidaam cad oo ay Xisbiga iyo Xukuumadda ku wada shaqaynayaan, oo aniga iyo M/weynahu kala sexeexano, taasoo ay ku qeexantahay waajibaadka iyo masuuliyadda dhinac walba saaran.

5)     Waxaan soo bandhigi lahaa hankayga iyo hadafkayga Madaxweynenimo ee 5 sano dabadeed. Waxaan Madashaa ka caddayn lahaa inay iga go’an tahay inaan isu hayo Bahweynta Kulmiye ee dhanka u wada jeedda, haldoorka reer Kulmiye ee madasha joogana waxaan ka dalban lahaa inay Xukuumadda iyo Xisbigaba la shaqeeyaan.

 

Marxaladdii 3-aad: Dib u Dhiska iyo Qabyo-tirka Xisbiga

Marxaladdan 3-aad waa marxaladdii ugu muhiimsanayd ee loo baahnaa in Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uu si dhab ah ugu guntado hawlaha Xisbiga uu la wareegay. Waa marxaladdii ay lagama maarmaanka ahayd in Xisbiga iyo Guddoomiyuhu ay isla jaan-qaadaan oo ay dhinac u wada-jeestaan. Waa marxaladdii uu Guddoomiyaha Xisbigu daadin lahaa shinnida beertii siyaasadda ee uu midhaheeda mustaqbalka u ayaayi lahaa. Waa marxaladdii uu Guddoomiyuhu diyaarsan lahaa dunta iyo irbaddii uu ku tolanayey SHAAD ay ku qormi lahayd “KULMIYE=MBC”. Nasiib darro hawlo badan baa qabyo noqday, Xisbigana waxaabad moodaysay inuu dib u siqiiray. Haddaba anigu, marxaladdan iyada ah, haddii aan Muuse Biixi ahaan lahaa waxan yeeli lahaa sidan:

1)     Waxaan dejin lahaa hab-maamul iyo nidaam aan ku hagayo hawl-maalmeedka ka socota Xarumaha Xisbiga ee Gobollada iyo Degmooyinka Dalka. Waxaan dhammaanba dib u qiimayn ku samayn lahaa tayada hawsha ka socota iyo hawl-wadeennada ka masuulka ah Xarun kasta oo xisbigu leeyahay, gudaha dalka iyo dibeddaba. Wixii aan u arko muhiim ama wax laga bedalana waan fulin lahaa.

2)     Si uu Xisbigu u gudan karo hawlihiisa baaxadda leh, waxaan dib u bilaabi lahaa dib u habayna ku samayn lahaa nidaamkii qaadhaanka ee Xisbiga. Waxa kale oo aan Xisbiga u raadin lahaa kharsh, dakhli iyo ilo-dhaqaale oo u gaar ah Xisbiga si uu uga madax-bannaanaado ku tiirsanaashaha Xukuumadda.

3)     Waxaan wanaajin lahaa xidhiidhka aan la leeyahay dhammaanba qaybaha bulshada JSL. Cid kasta oo wax iga tabanaysana, hore iyo dambaysaba, waa hor fadhiisan lahaa, qaladkayga iyo wixii dhib la iga tirsanaya deg-deg baan u dhammayn lahaa.

4)     Waxaan kordhin lahaa booqashooyinkayga dalka gudihiisa (Gobollada iyo Degmooyinka) iyo dalka dibaddiisaba si aanu bulshada isu baranno, taasoo aan uga dan leeyahay kor u qaadiddda magaca iyo meeqaamka Xisbiga iyo ka Xukuumadda.

5)     Waxaan si toos ah iyo si dadbanba u difaaci lahaa Xukuumadda, wixii ay ku qaldantahayna marnaba kamaan gabbadeen oo fartaan ku fiiqi lahaa.

6)     Waxaan abuuri lahaa ‘Xarunta Daraasaadka iyo Cilmi-baadhista ee Xisbiga’, xaruntaasoo si joogto ah u baahin doonta cilmi-baadhis iyo daraasaad xagga arrimha dhaqaalaha, dhaqanka iyo nolosha bulshada, nabad-gelyada, horumarka aqoonta iyo teknoolajiyada, dimuqraadiyadda, kobcinta dareenka muwaadinnimo, iwm leeyahay.

7)     Sannad walba waxaaan qaban lahaa Shir-sannadeedkii Xisbiga (Party Annual Conference) oo ay ka soo qayb galaan dhaamaanba Golaha Xukuumadda, Madaxda Sare ee Xisbiga, Xubnahayaga Golaha Wakiillada iyo Taageerayaashuba.

8)     Waxaan si joogto ah uga muuqan lahaa Saxaafadda Qaybaheeda kala duwan, anigoo si joogto ah u soo bandhigaya qoraallo, hadallo, fikir iyo aragtiyo siyaasadeed oo farriintayda iyo hadafkaygaba xambaarsan.

9)     Waxaan qaban lahaa, kana qayb-geli lahaa dood-cilmiyeedyo khuseeya kolba arrimaha iyo baahiyaha muhiimka u ah dalka iyo dadka JSL, gaar ahaan xagga Dawlad wanaagga, Dimuqraadiyadda, horumarka iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta Xuquuqda Distooriga ah ee muwaadinka, Caddaaladda iyo Garsoorka, iwm.

1)     Waxaan si weyn isugu hawlilahaa inaan Xisbiga ku hoggaamiyo maamul wanaagsan iyo hannaan dimuqraadi ah. Kamaan cadhoodeen mana colaadsadeen qof kasta oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE oo leh han siyaasadeed oo doonaya inuu Xisbiga ka dhex tar-tamo. Waliba waan soo dhaweyn lahaa.

 

La soco Qaybta 4-aad ee maqaalkan…………………INSHA ALLAH

 

 

W/Q: Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |Birmingham, United Kingdom|