Hanka dumarka iyo hagar daamooyinka ku hareeraysan – By Gender Researcher, Khadar Iman Ege

Hordhac

Tan iyo ka soo laabadkii qaxoontiyadii loo dalan doolay iyo dalal kii kala duwanaa isla markaasna kala dhaqamada gadisnaa ee habaq laha lagu galay

Waxaa si weyn isu abaabulay haween waynaha Somaliland ku waas oo samaystay ururro iyo isu tagyo kala haadaaf duwan balse hadana mabaadii isku mida xanbaarsan

Mabaadii daas oo ah sidan hoos ku xusan

  • Is kaashi haween iyo mid bulshaba guud ahaan
  • Ka qayb qaadashada dib u dhiska dalka iyo kan mushtamaca
  • Muujinta kartida iyo wax qabadka haweenka
  • Abuurida daacadnimo qoto dheer iyo heerka masuuliyadeed ee  ay leeyihiin haweenka reer Somaliland
  • Muujinta iyo soo bandhigida baahiyaha gaarka ah ee haweenka
  • Abuurida hiigsi dheer iyo ku dayasho
  • abuurida deegaan ku haboon dumarka iyo bulshada in teeda kale

Ururadani waxa ay had iyo jeer ku foogan yihiin horumarinta haween waynaha somaliland iyo guud ahaan bulshadan oo soo martay dhibaatooyin iyo xaalado aad uqalafsan isla xaaladahaas aan tibaaxay dumarku si layaab leh ayay ugu dhabar addaygeen guud ahaanna waxa ay isku dayeen sidii looga bixi lahaa waxay guntiga dhisha iskaga dhigeen soo af jaridii colaadihii sokeeye ee dalku ugoro galay. Waxay dumar badani garabka uriteen masuuliyado kala duwan oo ku soo baxsaday Kadib markii masuulkii qoysku ku biiray jabhadihii markaas la dagaalamaayay xukun kii kaligii taliskii axmaqa ahaa eesiyaad barre (brutal totalitarian regime of siyad bare) amba uu baxsaday, dhintay, ladilay curyaamay(dagaaladii ku naafoobay), ambaba la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay balse lagu qoray in lagaw racay

Waxa aynu ka war haynaa in hooyooyin aan la soo koobi Karin tira dooda in ay ka soomeen guurkii ubadkooda dartood, sidoo kale waxa aan la iska indho tiri Karin dumar aad u badan in ay dagaaladii dhaxal siiyeen agoonnimo iyo dagaal iyo halgan dheer oo dabo dheeraaday, waxa ay udadaabo xidheen sidii ay u buuxin lahaayeen kaalmahan ku soo banaanaaday ee afka ku soo kala qaaday

Waa maxay ujeeddada ka danbaysa hanashada xilalka kala duwan ee ay u hamuunta qabaan haweenku

Inkasta oo ay jirto dood xoog badan taas oo odhanaysa waxa ay salka ku haysaa arrrintu mabaadii qoto dheer oo xanbaarsan afkaar iyo aragtiyo reer galbeed, hadana waxaa mihiim ah in arrinta loo kuur galo lana ogaado saldhigeeda iyo halka ay ka soo burqanayso iyo waliba halka ay ku dabo leedahay isla markaasna waxa ay u baahan tahay cilmibaadhis wakhti qaadata oo ay ku lug leeyihiin aqoon yahano xeel dheeri iyo waayo aragnimo fog u leh arrinkan xaasaasiga ah ee taabanaya ummada iyo waliba qayb ka mid ah ta ugu muhiimsan bulshada.

Hadaba, sidaas darted, mudo dheer waxaan ku hawlanaa in aan bal wax ka ogaado sababaha ay dumarku ugu heelan yihiin ka qayb qaadashada talada, maamulka iyo hogaanka kala duwan ee uu leeyahay dalku, inkasta oo ay tahay xaq dastuuri ah(constitutional right)  oo loo siman yahay in laga qayb qaato waxna lagu yeesho hogaaminta iyo talada dalka guud ahaan, hadana dadka qaar waxay odhan karaan dumarku si,aan toos ahayn ayay ugu lug leeyihiin talada iyo go’aan qaadashada dalka lagu hago amba lagu maamulo, marka laga reebo xubno yar oo faro ku tiris ah oo si toos ah ugu lug leh kuwaas oo ah midhadhka dumarka ah ee ku jira golayaasha kala duwan ee Qaranka mayalka u haya sida golaha baarlamaanta, guurtida iyo wasiirada iwm.

Waxa ay dumarku saluugsan yihiin nusqaan waynna u arkaan in ay ku tahay tiradan aad ka u yar ee ay ku leeyihiin golayaasha kala duwan ee wadan ay dimoqraadiyadi (democratic state) in ay ka hano qaaday sheeganaya, isla markaasna citiraaf raadis ah una daba taagan dalal iyo dad yow kala duwan oo arrintani ku dheertahay.

Waxa ay dumarku ka soo taagan yihiin erayada beer laxawsiga ah ee aan qotada dheerayn ee ay isticmaalaan siyaasiyiinta Qaranku marka ay danta ka leeyihiin (during the political campaigns).

Waxa haweenka laftooda waji gabax ku noqotay isku duubni la,aanta dumarka tiro badnaanta iyo tayo xumaanta oo kaaf iyo kala dheeri noqota marka ay timaado isu hiilin la,aanta siyaasadeed ee dumarka dhexdooda waxaa sidoo kale laf dhuun mari wayday ku noqotay haweenkii hanka lahaa  isu quudhi waaga iyo isu hanayn la,aanta guusha dumarka dhexdooda,

Waxa sidoo kale dhabar jab ku keenay habka dhaqan  dhaqaale ee dalka  oo aan saacidin.

Isku soo wada duuboo sababahan soo socda ayay dumarku ugu tafo xaydan yihiin ka qayb galka talada dalka

1.     Dumarku waxa ay isku arkaan in ay hanan karaan buuxina karaan galdaloolooyin badan oo dalka ka muuqda ku waas oo wax yaabo badani raga ka hortaagan yihiin in ay gutaan waajibaad kaas

2.     Dumarku waxa ay leeyihiin baahiyo balaadhan oo ka duwan kuwa raga, sidaas daraadeed, waxa ay ku doodayaan haweenku in ay ayagu u faro dhuudhuuban yihiin arrimahaas u gaar ka ah bulshada haween waynaha

3.     Waxa ay sidoo kale ku andacoonayaan in ay karti u leeyihiin wax ka qabashada iyo kobcinta horumarka bulshada. Waxa ay dumarku ku dacwoonayaan in ragii ku mashquulay balwado xunxun iyo is jiijiidad ay ka danbeeyaan dano gaar ah iyo amuuro siyaasadeed oo dabada kula jira qabiil iyo qabyaalad qotadeedu dheer tahay oo markasta degenaansho la,aan weyn oo dalka u horseeda.

4.     Waxa jira tiro kooban oo haween ah  ku waas oo gaadhay heer ay  ubaahdeen in ay tijaabiyaan awooda maamul iyo tahogaamiyonimo ee ay leeyihiin waxa dumarkaas dabada kawada oo ka riixaya ayaga oo isleh waxaad samaysaan amba aad noqotaan xidigihii mar dhaw dumarka iyo hablaha idinka danbeeyaa hiigsan lahaayeen

5.     Waxa ay dumarku ka daaleen colaado, caga juglayn iyo dagaalo soo noqnoqda ku waas oo curyaamiyay kor u kaca iyo horumarka bulshada sidaas darteed waxa ay dumarku siweyn oo laxaad leh u raadinayaan siday mayalka ugu qaban lahaayeen qaranka si ay uga hortagaan dagaalada, daganaan la,aanta siyaasadeed iyo nabad galyo xumida uu ka qaylinayo aduunku guud ahaan waxa ay isleeyihiin waxa aad ka samato bixin karaysaan dalkan aynnu ku  nool nayahay

 Hadaba dumar badan oo bulshada dhexdeeda magac iyo maamuus ku leh ayaa waxa ay u taagan yihhiin matalayaana haween waynaha somaliland waxa ku jira hami iyo han wax qabad iyo mid hogaamineed balse waxa hagar daamo iyo hadidaad weyn ku ah sida lagaga soo kabtaana adag tahay qabiilka iyo qabyaalada oo aan ayagoo kaliya halisku ahayne ah dhibaato curyaamisay dawladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Waa cudur fogaaday oo ay adag tahay sida looga daawoobo waa sun iyo waabay raacday xididada iyo waayir kasta ee hayadaha kala gadisan ee qaranka akhshaasta iyo qoysaska  oo ah meesha asal keedu ka timaado balse waxa ay dumarku hal maansan yihiin in ay yihiin hoygii dhaqanka bulshada wax kastina guriga ka soo  bilaamaan waxaanan kala garanayn in ay raagsanayaan inta ubadka lagu barbaarinayo dhaqan ka fayow cuduradan aan kor ku soo xusay ee ay ka midka yiyiin tala maroorsiga iyo qabyaaladu.   Waxa ay marmarka qaarna ku tiraabaan eraydan waa dal ay ka sii gudhayso garashadu intii garaadka lahaydna lagaagixiyay waa wadan gabnay loogu dawgalay waa arlo marnaba si fiican garashadu uga godal qaadin waa wadan maskax gudhan u goro galay oo loogu dawgalay oo aad moodidba in uu garaadkii gabashiyay waa goonyo aan odhan karo marnaba si fiican ugu muuguuxin hoggaan garaadsan iyo gobonimo lehi waa wadan dumarkii iyo caruurtii gama fog  loo diiday

Dhamaan wax yaaba haas aan kor ku soo tibaaxay iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karayni waxa ay haystaan dumarka hanka leh ee Somaliland iyo guud ahaanba kuwa  soomaaliyeed ee ku dhaqan arlada waana arrimo isugu jira habka dhaqan dhaqaaale  iyo mid bulsho oo ku fadhiya dhaqan iyo caadooyin soo jireen ahaa.

Name: Khadar Iman Ege

Email: khadariman@hotmail.com

Tell: +254703500215