Hambalyo, Wasiiru-dawlaha Cusub ee Biyaha JSL

 

Anigoo ah Commissioner Liban ismail mohamoud Waxaan Hanbalyo u dirayaa madaxweynaha Jsl ee gartay booskii banaana ee Beesha Gabooye u magacaabay Aqooonyahan Aqoonteeddii leh Wasiir Mahdina Waxaan leeyahay ILLAAHAY ha kuu dhib yareeyo xilkaas Miisaanka leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3641/102015 ku magacabay wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo La-taliyeyaal Madaxweyne. Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada, Wasiiru-dawlayaasha, iyo Wasiir ku xigeenada, Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay Wuxuu go’aansaday. In Gudoomiyihii Hore Ee Jaamacadda Hargaysa Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri),

laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.