Salaan aad u qiimo badan iga guddooma dhammaan saxaafadda Somaliland,shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo akhritayaasha sharafta badanbba.
Salaanta ka dib,waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa inankaan Abtiga u ahay,Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub),oo iska soo sharaxay Ururka NASIYE, kana qayb gali doona tartanka Golaha Degaanka ee magaalada Hargeysa,
Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,Aabihii ,Cali Caamir , oo ku magac dheeraa Cali Tayuub, wuxuu ahaa maal qabeen aad u naxariis badan,deeqsi ah,cibaado badan,bulshaduna u siman tahay,caanna ka ahaa magaalada Hargeysa…AHUN , Cali Caamir (Cali Tayuub),wuxuu ka mid ahaa odayaasha sida weyn looga qadariyo , magaca weyn ku lahaa aasaaskii iyo taariikhda faca weyn ee magaalada Hargeysa.
Waxaan Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub),ilaahay uga baryayaa in uu hamigiisa iyo hiigsigiisaba ku guuleeyo,kana yeelo masuul dalka iyo dadkuba ku diirsado wax qabadkiisa,aamiin,aamiin,aamiin.
Eng. Mohamed Ali Muse