Hambalyo ku socota Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo iskashigaa Calalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland

Dalladda xidhiidhisa jaalliyadaha qurbo joogga Somaliland ee Yurub, SSE, waxay ugu hambalyaynaysaa wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskashigaa Calalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo la wareegay xilka wasaaraddaasi.

Waxaannu wasiirka cusub Illaahay uga baryaynaa inuu hawsha loo igmaday u fududeeyo.

Magacaabista wasiirka cusubi waxay ku soo beegantay waqti xasaasi ah oo lagaga bixi karo karti, dadaal dheeraad ah, daacadnimo iyo wada tashi. Mudane Maxamed Biixi Yoonis waa mas’uul astaamahaas wada leh.

Waxaannu rajaynaynaa in Mudane Maxamed Biixi Yoonis isagoo uga faa’idaynaaya aqoonta iyo waayo aragnimada uu u leeyahay sida nidaamka adduunku u shaqeeyo uu ka midho dhaliyo himilada shicibka Somaliland.

SSE

Waxaannu rajaynaynaa in Mudane Maxamed Biixi Yoonis unkumi doono siyaasad arrima dibabeed oo macno ku fadhida iyo inuu danta Jamhuuriyadda Somaliland ka horraysiin doono danta ay leedahay Bulshada Caalamku.

Waxaannu aad u soo dhawaynaynaa mowqifka uu ka qaatay shirarka lala gelayo Somaliya oo uu sheegay inaan Somaliland ka qayb geli doonin shir ay daba fadhiisanayaan dowladda Somailya.

Guul iyo Gobannimo

Guddomiyaha Guddida Fulinta SSE

Abdourahman Yassin

 

Dallada SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda iyo Jaaliyadha reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.