Halkuu ku dambeeyey heshiiskii Raysal-wasaare-nimo ee Cadami iyo KULMIYE dhex-maray 2008-dii?

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in loo baahan yahay ku dhiirrashada wax ka beddel lagu sameeyo Sharciga dalka si loogu helo farsamo lagu meeleeyo Beelaha darafyada qaarkood oo ay tahay inay fursad u helaan hanashada Madaxtinnimada iyo hoggaaminta dalka

Wasiirka Gaashaandhiggu waxa uu si farshannimo leh uga jawaabay su’aalo kala duwan oo Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey baadhista dilkii labada Sarkaal ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa ee toddobaadkii hore ka dhacay Qoru-lugud, tuhunno wakhtigii uu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ahaa ku xeernaa ku dhawaaqista Natiijadii uu Mudane Daahir Rayaale kaga guulaystay Madaxweynaha hadda talada haya Mudane Axmed-Siilaanyo, heshiis ku saabsanaa inuu Raysal-wasaare noqdo haddii KULMIYE guulaysto oo uu Xisbigaas la galay markuu mucaaradka ahaa halka uu ku dambeeyey iyo qodobbo kale oo xiiso badan.

CADAMIUgu horeyn, wasiirka oo la weydiiyey halka uu marayo baadhitaanka kiiskii dilka labada sarkaal ee ciidanka Qaranka, waxa uu yidhi, “Meel fiican ayey maraysaa habeennimadii dilka foosha-xumi dhacay Hargeysa ayaannu ka dirnay afar Sarkaal oo baadhitaanka dilkaa bilaabay, illaa wakhtigan aaggii ayey ku maqan yihiin, illaa Madaxweynahana arrinkaa tallaabo tallaabo ayaa loogu gudbiyaa halkuu marayo, illaa shan Askari ayaa tuhunka kiiskaa u xidhan oo baadhitaanno ku socdaan.

Baadi-doon Cir iyo Dhul ah ayaan ku wadnaa arrinkaas (dilka). Markaan ku leeyahay Cir iyo Dhul, dabcan diyaarado ma lihin innagu, laakiin, haddaad magaalo kale u dhoofto adigoo baadhitaan ah waad kartaa. Haatan xogaha aannu hayno, anigoo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaynin waa inuu aagga Buuhoodle joogo gacan-ku-dhiiglihii falkaa foosha-xun geystay, lagana hadhi mayo raacdadiisa illaa gacanta lagu soo dhigayo Insha ALLAAH.”

Wasiirka oo la weydiiyey halka uu ku dambeeyey heshiis dhexmaray isaga iyo xisbiga Kulmiye oo ku saabsanaa in jagada Raysal-wasaare la sameeyo, waxa uu ku jawaabay, “Immika inkastoo aynu marxaladdii Xisbiyada u gudubnay, oo marxaladda adag oo Beeleedyo hore ayeynu uga nimi, haddana wixii la rabo farsamo looma waayo samaynteeda. Laakiin, waa inaanu ka baxsanaan sharciga iyo dastuurkeena sharcidejintu samayso ee dalkeenna. Arrinka heshiiskii Raysal-wasaarennimada iyo Xisbiga KULMIYE waxaan kaga jawaabayaa sidii odhaah hore nin aannu saaxiibbo ahayn oo reer Cademeed ahaa Maxamed-Uurdoox ugu jawaabay niman hadalka hoos ugu dhigay oo ahayd; “Luqmaanoow-ha faadhfaadhin waxii tegay!” Haatan waxaan ku leeyahay Maxamuud Walaaleeyoow, wixii tegay sidiisa u daa!”

Md Cadami oo su’aal laga weydiiyey wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dalka xilli iyo guushii xisbigii UDUB ee madaxweyne Daahir Rayaale hoggaamiyaha uu ahaa uu kaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2003-dii, waxa uu ku jawaabay, “Wax nalagu ajburay (khasbay) ma jirin, mar walba Komishanka (Guddiga doorashadu) wuu madax-bannaan yahay, kii hore iyo ka immika la dhisi doonaa-ba looma dhiso inuu dawlad u adeego. Marka Koomiishanku fadhiyo ee go’aankii natiijada u kala sheegayo Madaxdii tartantay waa calaamadaha madax-bannaanida iyo dimoqraadiyadda. Cid ogeyd tirooyinka la kala horreeyey ma jirin, dadku wax badan oon jirin ayey iska aamminaan oo fikirkooda iyo hadalkooda iyagaa u madax-bannaan, balse waxaan kuu sheegayaa inaanu jirin xidhiidh wada-shaqeyneed dhaw oo noo dhexeeyey Maamulkii xilligaa ee Madaxweyne Daahir Riyaale hoggaaminayey. Haddaad u jeeddo hoostaa wax-laysaga dhiibay Alxamdulillaah (Allaah mahaddii), dadkii aan aqaannay ee Komiishanka ahaa, kulayl lacageed ma qabin, mushaharkoodaa ku filnaa!,” waxa uu sidaas ku sheegay waraysi dhinac kala duwan oo Wargeyska Himilo la yeeshay wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland.