Halkee ayuu Marayaa Dhaqan-gelinta heshiiskii Dhexmaray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya?

 

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u Fadhiya dalka Kenya Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka warbixiyey halka uu marayo dhaqan-gelinta heshiis badhtamaha bishii December ee sannadkii hore magaalada Nairobi ku dhexmaray labada madaxweyne ee Kenya iyo Somaliland.

Heshiiska Dhexmaray labada madaxweyne oo ahaa mid lagu xoojinayo xidhiidhada dibloomasiyadda, Ganacsiga, maalgashiga iyo horumarka ee ka dhexeeya labada waddan, ayaa dhigayey in Kenya xafiis dibloomasiyadeed ka furato magaalada Hargeysa dhammaadka bisha March ee sannadkan. Waxa kale oo heshiisku dhigayey in shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways duullimaadyo ka bilowdo magaalada Hargeysa isla wakhtigaas.

Danjire Baashe Cawil waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey hawl-qabadka ay qaranka u qaabilsan tahay xafiiska uu masuulka ka yahay ee Somaliland ku leedahay dalka Kenya iyo natiijada kulamo uu la qaatay dublomaasiyiin beesha caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo u warramay wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu ugu horeyn ka warbixiyey wax-qabadyada xafiiskiisa u sameeyo muwaadiniinta Somaliland iyo Qarankaba.

“Guud ahaan xafiiska Somaliland ee dalka Kenya oo qaranka Somaliland u qaabilsan hawlo badan waxay qayb ka mid ahi tahay arrimaha bulshadda haday noqoto dadka reer Somaliland ee halkaas (Kenya) ku xaniban sida dadka u baahan fududaynta waxbarashadda, Xaga Caafimaadka anagoo u adeegna Shacab badan oo Fiisayaal u baahan oo aanu Nairobi uga soo Saarno maadaama aanay Kenya xafiis weli ku lahayn Somaliland.

Xaga Siyaasadda Markaynu u dhaqaaqnana Waxay Kenya tahay Saldhig weyn dalal badan oo adduunka ah oo safaarado ku leh kuwaas oo qaabilsan Somaliland iyo Somalia, kuwaasna waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn fiican oo wax ku ool ah anagoo Safaarad ahaan ka Caawina arrimo badan oo ay Somaliland ka fuliyaan, ugu danbayna waxa uu Xafiisku hayaa xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Kenya oo u shaqo wanaagsan ka qabtay,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar waxa kale oo uu sheegay in dublomaasiyiin kala duwan iyo madax ka socota dalal badan oo adduunka ah ay kala hadleen qaddiyada Somaliland.

Safiirka Somaliland ee dalka Kenya waxaa kale oo uu iftiimiyey halka uu marayo ka midho dhallinta heshiiskii laba geesoodka aha ee dabayaaqadii sannadkii tegay ay wada gaadheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dhigiisa Kenya Uhura Kenyatta.

“Kolay War-murtiyeedkii ka soo baxay labada Madaxweyne markii ay Kulamada ku yeesheen magaaladda Nairobi oo arrimo badan ka hadlayay waxay qayb ka mid ahi ahayd in bisha March ee soo socota dhamaadkeeda uu dalka Kenya xafiis ka furto Somaliland, dhanka kalena ay bilaabmaan oo la gaadho heshiis dhanka duulimaadyada ah oo Shirkadda Kenya Airways iyo diyaaradaha kale ee ganacsiga iyo kuwa rakaabka qaadaa ay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland, hawshaasi way socotaa runtii ma odhanayo waa gabo gabo laakiin way dhamaanaysaa oo waa lagu gudo jiraa Kulamo iminka dhacay oo labada dhinac ahina way jiraan, Kuwo kale oo hadhsanina way jiraan, markaa ma doonayo runtii inaan ka hordhaco balse waa hawl socota inshaa allaah waxaan rajaynaynaa inay wakhtiga dhow hawlahaasi bilaabmaan marka heshiiska la kala saxeexdo,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar waxaa kale oo uu Xogwarankiisa ku sheegay in ay kulano la yeesheen ganacsato iyo shirkado danaynaaya inay ka faa’iidaystaan fursadaha gancsi ee Somaliland yaala, Waxaanu intaas ku daray inay Safaarad ahaan dadaal weyn ugu jiraan sidii ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu soo jiidi lahaayeen maal-gashadeyaal caalami ah.

Safiirka Somaliland ee dalka Kenya waxaa kale oo uu sheegay in dunida iyo dalalka daneeya geedi-socodka dimuquraadiyadda Somaliland ay u riyaaqsan yihiin doorashooyinka isku sidkan ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ee Ku astaysan 31-ka Bisha May ee Sannadkan.

“Somaliland waxay Tusaale u tahay waddamo badan oo African ah maadaama ay hirgalisay qaab dimuquraadi ah oo ay samaysatay waxayna Shacabka Somaliland ku amaanan yihiin sida ay uga midho dhaliyaan doorashooyinkii dalkan ka qabsoomay waxaa kale oo dunnida iyo daneeyeyaasha Somaliland ay ku rajo weyn yihiin in Somaliland iyadoo isku duuban ay ka gudbi doonto doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo wakiilladda ee qabsoomi doona 31-ka bisha May isla markaana ay inoo soo bixi doonaan golihii labaad ee Wakiilladda iyo kii sadexaad ee deegaanadda ay Jamhuuriyadda Somaliland yeelato,” Sidaas ayuu yidhi Dajire Baashe Cawil Xaaji Cumar oo u warramay warbaahinta dowladda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net