Halkee Ayuu Ku Danbeeyey Mashruucii Biyaha Xunboweyne?

 

Maanta waxaynu isku dayeynaa inaanu ka hadalno mashruucii biyaha ee caasimada soomaaliland ee laga keenaayey xunboweyne .

Hadaba xunboweyne waxay 45-km waqooyi bari  kaga beegan tahay caasimada soomaaliland ee haragaysa .

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay MD Axmed Maxamed Maxmuud(SIILAANYO) ayaa ololaha ku gashay in ay caasimada soomaaliland u keeni doonto biyo ku filan , iyadoo caasimada soomaaliland ka kooban tahay shan xaafadood oo mid waliba ka sii tafiiranto xaafado kale , ayaan xaafadaha qaar arag biyo, halka qaaran aya tuushash ku maydhaan.

Sikastaba ha ahaate waxaa dawlada IMAARADKA CARABTU ay balan qaadeen in ay caasimada soomaaliland ee hargaysa ka caawin doonaan sidii ay u heli lahayd biyo ku filan, siiba ahaan xaafadah aan biyha helin.

Balse waxaa sandkii hore uu madaxweyne siilaanyo dhagax dhigay halka ceelasha biyha laga soo saarayo ee xunboweyne .

Sida ay ii xaqiijiyeen dad ku dhaqan xunboweyne waxay sheegayaan in dawlada imaaradka carabatu ay dhamaysay dhamaan ceelashii laga soo saarayey biyaha .

Waxaana caasimada soomaaliland ee haragaysa laga hirgaliyey oo la dhameeyey meelihii ay ku soo dhacayeen biyuhu ama kaydadkii biyaha.

Hayeeshee ilaa iyo hada lama hayo halkuu ku danbeeyey mashruucaasi ay hirgalinayso dawlada imaaraadka carabatu,oo ay u hadhsanyihiin soo jiidintaankii biyaha  xunboweyne ilaa hargaysa.

Balse  xukuumada siilaanyo ayaa ku faanaysay inay 2016-ka dhamaynayso mashruuca biyaha xunboweyne , haseahaate way ku fashilanatay xukuumada siilaanayo waxay isku badashay hal bacaad lagu lisay.

Dhinca kale khubaro ka socotay dawlada imaaradka carabtu ayaa sheegay in biyaha ka soo baxay mashruucaas xunboweyne ay maalintii walba ka soo saarayaan 4.5 MIILION oo LITTER, taasoo ay sheegeen inay biyhaasi ku filan yihiin dad gaaddhaya 250,000 oo qof.

Hase ahaatee xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay MD SIILAANYO  ayaa mudo xileedkeedii uga hadhsan yahay mudo yar, iyadoo ilaa hada la hayan halka uu maraayo mashruucaasi biyaha xunboweyne.

Balse xaafadaha aan biyaha helin waxaa ka mid ah G/LIBAAX, MAXAMUUD HAYBE , AXMED  DHAGAX, waxayna ku nool yihiin biyaha ay soo dhaamiyaan booyadaha oo halkii foosto lag siiyo 10.000 kun ee shilinka soomaalind .

QORAA/SAXFI:- Ahmed Ali

E-MAIL:- madar0.11@hotmail.com